Posts

Image
The peace of Somalia is back By Abdikarim Garruun Liido beach  Peace means freedom from war and violence. Everybody knows that to be without peace is to be without life.The prosperity  and progress of developed countries is founded on the existence of peace. When a nation enjoys conditions of  peace, investment and development steadily improve, but if a nation is in conflict, there is no way for the country to develop. Somalia is a nation that was in conflict for more than 25 years. Today, the efforts of Somali intellectuals, scholars, elders, neighboring countries and the international community have come to fruition and the war between Somali society is finally over. The goverment was reformed to rule the whole country. The national army forces were established and now they control the majority of the country. Many of the Somali diaspora have returned to home  to invest in new businesses or to rebuild their houses destroyed during the war. ...
XASUUSTII MURUGADA ======================================================================== XASUUSTII MURUGADA Markasta oo aan dhadhamiyo wax qaraar , waxaan soo xasuustaa maalin qaraar , wakhti qaraar iyo madal qaraar. Xusuuso waayo hore ayaa igu soo maaxda oo maankeyga u badala madal la isku haysto. Buuq iyo boholyow inta uu igu furmo ayuu madaxu I karaa, ilaa aan kiniini ka liqana kama nasto, kamana seexdo ee sidii wax waalan ayaan walbahaar iyo walwal la darsaa. Markasta oo aan soo xasuusto wixii I soo maray naftayda ayaan ula sheekaystaa sidii qaadi maxkamadeed oo kale. Waxaan kala doodaa cadaalada iyo waxay tarto, cadaalada darada iyo waxay keento , dhibanaha iyo sida loo abaal mariyo, dhib keenaha iyo sida loo ciqaabo, balse waxaan hadalka rogrognaba waxaan isku raacnaa in aanay cadaaladi oolin dunida seddexaad ciideeda "WAA AFRIKEE". Ilmada ka qubatay indhahaygu ileyn waxay qoysay laabtayda, waxay waddo taraaro leh ka jeexatay dhabanada...
LABA DHIMASHO   Sheeko gaaban Imika uun bay dhadhamiyeen nolosha macaankeeda. Jacaylkoodii oo midho dhalay ayay arkayaan, waxay ku naaloonayaan nolosha cusub ee Alle siiyay. Nuuriyo Nasri waa laba jacayl ku mataanoobay oo waayo badan  xanuun iyo xagxagasho badan u soo jibaaxay badwenta nolosha , aakhirkiise ku guulaystay koobkii caashaqana midba midka kale kabadsiiyay. Nuur waa ganacsade hada dhaw furtay tukaan yar oo aan aqalkiisa waxba ka fogeyn. Nasrina waa inan ka dhalatay reer ladan , lakin aan waxba ku tarin oo waxayba u dayriyeen ninkan ay dooratay awgii.  Waxay ka dhalatay reer ladan, aabaheed ayaa ah agaasimaha wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalka. Waxkasta oo la sameeyaba waa lakala reebi waayay oo waxay noqdeen labo la isku nacay.  Mar ay Nayroobi iskula baxsadaan , mar Hargeysa lagu sheego iyo mar la yidhaa way isla tahriibeenba , waxay noqdeen laba isla falaagooay. Aakhirkii wax jacaylkoodii jaranjaro walba soo maro, 2014kii bi...
Dagaalkii lo'da ayaa bilaabmay War ay ka naxeen jaaliyada lo'da ee ku dhaqan deegaanka xamar ayay maalin dhaweyd ka maqleen idaacada dawladu leedahay ee Radio Muqdisho. Maamulka deegaanka Xamar ayaa dagaal adag u iclaamiyay dhamaan lo'adii daadsaneyd deegaanka caasimaada soomaaliyeed ee Muqdisho. Lo'da  oo ka mid ah xoolah a ay soomaalidu dhaqato kuwa loogu jecel lahayn, islamarkaana leh manaafaacaad aad u farabadan ayaa waayadii dambe soo galayay magaalooyinka waaweyn. Waxa lagu arkayay suuqyada ugu waaweyn magaalada iyagoo  dhex laafyoonaya.  Lo'ada waa dawlad ku nool dadka hoostiisa. Degmo kasta oo magaalada ka mid waxa ku nool koox lo'o ah oo  ka falaagowday dadkii lahaa,kuna caan baxday kharibaada iyo boobka dadka iyo ganacsatada yar yar. Waxay leedahay hogaamiye horjeege ay ku daba faylaan, isla markaana arin kasta oo ay sameynayaan kow ka ah, una balaaleeya. Dibbidu waa labka lo'da , Waa Aabaha xaynta wada socota ee qaraabsiga iyo boobka...
JAHAWAREERKII JIMCIHII XALAY "Weerarkii hoteelada xeebta dalxiiska ee liido" Dood adag ayaa dhex maraysay laba oday oo kala da'weynaa , bulshada halkaas ku noolna  aad looga dhex yaqaan.  Midi wuxuu ku doodayay hadii siyaasadan  soomaalidu dadkii wada qancin wayday , in aan nabbada yar ee lagu diirsaday la iska damin. Odayga kale ayaa aad uga duwanaa kuna doodayay "hadii dadka cunaha la qabto oo loo ogolaan waayo in ay noolaadaan oo qaajo lagu dilo , in aanay nabadi jireyn, nabaduna ay timaado marka nolol la haysto". Odayga dambe waxay doodiisu salka ku haysay in ay nabadu ku fiican tahay marka aad nolol wanaagsan haysato. Hayeeshii aniga iyo ragkale oo dhalinyaro ahaaba waxaan fadhiga ka aheyn dhagaystayaal fiican, waayo may jirin meel nooga banaan oo aan ka cidhiidhsan karno dooda ,labada odayga waxay ahaayeen laba oday oo aan kala dhicin, waayo aragnimo iyo wax sheegna looga dambeeyo. Aniga ahaan odayga hore oo ka soo jeeday dhanka bari , wajigiis...
Image
SOORYO GOBEED   "Bun iyo canbuulo"    " kurbin iyo qaando , koob iyo shaah waa koor iyo quud, kab iyo suun" Xuseen Sh. Axmed Kadare Sooryo Gobeed waa sooryo lagu sooro gobta"dadka inta fiican" , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka , Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad ilaahay ku hagoogay.  Eeg sawirka sare, waa kurbin " Xeedho", qaando" Fandhaal iyo     canbuulo " digir " ku jirta sixni. Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale   ee ku dhadhaw.     Inta badan waxa soo raaca  Daango" Salool " iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad  ku dhex leh bulshada  ...