SOORYO GOBEED 
"Bun iyo canbuulo" 


" kurbin iyo qaando , koob iyo shaah
waa koor iyo quud, kab iyo suun"
Xuseen Sh. Axmed Kadare

Sooryo Gobeed waa sooryo lagu sooro gobta"dadka inta fiican" , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka , Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad ilaahay ku hagoogay. 

Eeg sawirka sare, waa kurbin " Xeedho", qaando" Fandhaal iyo   canbuulo " digir " ku jirta sixni.

Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale  ee ku dhadhaw.    

Inta badan waxa soo raaca  Daango" Salool " iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad  ku dhex leh bulshada  , geed jooga "  odayada dhaqanka ee talada reeraha gooya ", iyo madaxda bulshada nooc kasta ha noqotee.   

Waxa hubaal ah in madal la iskugu yimid oo sheekh iyo shariif ba leh hadaan laga dubin bun , canbuulana la  karin in madashaasi aanay lahayn macno buuran iyo milgo sare. 

Bunka  waa geed carfoon oo aad u udgoon , wuxuu leeyahay miro buurbuuran oo marka la dubo yara madoobaada. Miraha iyo saliida lagu dubo oo isla jira ayaa lagu soo shubaa kurbinta . Dadka inta taqaan kama xiiso jaraan , kamana hamuun baxaan ilaa inta ay sacabka ku shubtaan, gacmaha marsadaan, qaarkooda aadka  u jecelna waxay saliida bunka  ku shubtaan timaha  ama dusha sare, sidaas ayay ku dajiyaan xiisaha bunta ay u hayaan.

Bunka la dubay waxa loo isticmaalaa in lagu darsado canbuulada  si loogu cuno. Udgoonta ka soo carfaysa xeerada wax lagu cunayo ee bunaysan waad ku miraaqoonaysaa, waxana dhici karta in aad ka kici waydo xeerada dusheeda oo aad  canbuuulada wada  dhamayso. 

Sooryada noocan ah waxa la sameeyaa marka  uu jiro Sab" Duco gaaban" , Xaflad aroos, Shirarka iyo madal kasta oo inta badan la iskugu yimaado ,odayo iyo waayeelna ka soo qayb galaan. Inta badan waxa la sameeyaa bunka hadii la leeyahay fadhi ka duwan kii hore ee lagu noolaa. Sida maalmaha xafladaha waaweyn, bandhigyada dhaqanka, soo dhaweyn dhaqameedka odayo kale ama shacab kale oo deegaan kale ka yimid. Waa astaan dhaqan u ah bulsho degan  oo ab iyo isirba wadaag ah. 






Cabdikariin Garruun
Muqdisho, Soomaaliya
Ogoosto 4,2015


  

Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names