LABA DHIMASHO
  Sheeko gaaban





Imika uun bay dhadhamiyeen nolosha macaankeeda. Jacaylkoodii oo midho dhalay ayay arkayaan, waxay ku naaloonayaan nolosha cusub ee Alle siiyay. Nuuriyo Nasri waa laba jacayl ku mataanoobay oo waayo badan  xanuun iyo xagxagasho badan u soo jibaaxay badwenta nolosha , aakhirkiise ku guulaystay koobkii caashaqana midba midka kale kabadsiiyay.

Nuur waa ganacsade hada dhaw furtay tukaan yar oo aan aqalkiisa waxba ka fogeyn. Nasrina waa inan ka dhalatay reer ladan , lakin aan waxba ku tarin oo waxayba u dayriyeen ninkan ay dooratay awgii.  Waxay ka dhalatay reer ladan, aabaheed ayaa ah agaasimaha wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalka. Waxkasta oo la sameeyaba waa lakala reebi waayay oo waxay noqdeen labo la isku nacay.  Mar ay Nayroobi iskula baxsadaan , mar Hargeysa lagu sheego iyo mar la yidhaa way isla tahriibeenba , waxay noqdeen laba isla falaagooay.

Aakhirkii wax jacaylkoodii jaranjaro walba soo maro, 2014kii bishii 2aad ayay ku aqal galeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, arooskoodiina wuuxu noqday mid qaraabo iyo xigaalba gacmaha la isku saaray oo lagu wada heshiiyay. inta loo duceeyay ayaa quraan lagu akhriyay oo qaraabadu ku tuftay. ducaa lagu xijaabay dardaaran badana waa la siiyay.

Nuur wuxuu galay nolol u dhineyd oo aanu waligii is lahayn waad arki, waa nolol ka dhadhan macaan malabka shinida oo ilowsiiyay wixii uu dhibaato iyo hagardaamo  u soo maray. Dhaawicii soo gaadhay waayihii dhalaanimo waxay u daweeyay jacaylka iyo nolosha ay siiyay Nasri. Nasri inkasta oo ay ka dhalatay reer tol weyn ah , hadana kuma taagssan jirin oo yarka waxay uga dhex baxday sidii jinka. marar badan ayuu Nuurka dhex qayliyay inta jin laga sheegay. waxa la maqlay iyadoo ku dhawaaqaysa  marka la waydiiyo su'aalaha "waxan ahayd Nuur, Waaan jeclahay , kamana maarmayo", Nuurma uu galin ee malaha qareenkiisa ayaa galay. Nuurisna marar badan ayaa xanuunkiisa la baxnaanin waayay oo bar loo qaadaba la fahmi waayay, waxkale se ma hayne jacayl ku xumaaday ayuu ahaa.  Aakhirkiise Nuuriyo Nasri waxay isku noqdeen oori iyo saygeed oo isku xalaal ah.  Waxay wadaageen hal qol, hal sariir iyo hal go'. Way isku dhaxeen oo way isku dhaqmeen.  

Nuur wuxuu wacad ku maray in aanu waligii noole kale nolol la wadaagin , haasaawe iyo  hadal shukaansina aanu la soo qaadin gabadhkale. Wuxuu bilaabay in uu noloshiisa wax weyn ka badalo . iskuul ayuu dib u galay, ganacsigiisiina wuu sii balaadhiyay ilaa heer uu ka furay qayb labaad suuqa  labaad ee Muqdisho ugu weyn ee Suuq bacaad. Nasir maalintii inta uu waxbarashada iyo ganacsiga  ku maqan yahay waxay ka sii iibisaa tukaanka. mudo markii ay ku shaqaynaysayna waxay ku baratay shaqooyin badan oo ay iyagu qaban karto, ayuutooyi kala duwan ayay gashay, shaarshaarina dhan ayay ka noqotay.

Noloshu in ay ku macaan tahay wadajirka iyo is garab galka ayay dareemeen. Nuuriyo Nasri waxay isku noqonayeen marba marka ka dameysa Ceesh iyo Milix.
Nuur wuxuu ka fikiraa caruurta uu dhali doono iyo nolosha uu la wadaagi doono. marar badan ayuu ku riyooday isagoo loo dhalay caruur mataano an oo aad u qurux badan. isagoo la ciyaaraya oo meelaha lagu dalxiiso geynaya ayuu niyada ku qabtaa habeen walba marka uu la cawaynayo gacalisadiisa Nasra. Nasrina waxay markasta maanka ku haysaa oo ay rajaynaysaa in mar uun aabaheed iyo hooyadeed ay arkaan caruurtii ay inanteedu dhalay, in ay yidhaahdaan awoowo oo ay koolkooliyaaan ayay sugaysaa.

Nuur marka uu guriga ka soo rawaxo wuxu ku caweyn jiray jardiinooyinka  aqalka uu degan yahay hortiisa ku yaala. Mar marka qaar aya Nasir ka dalbato in ay suuqa isku raacaan isagoo gacanta ka haya oo la laafyoonaya ayuu suuqa la mari jiray oo danahooda ka soo qabsan  jireen. hadii ay u baahato xeebta in ay soo dalxiistana intuu gaadhiga  ku soo kaxeeyo ayuu kula caweyn jiray neecawda macaan  ee hoteelada Beach View ama Liido sea food. Nuuriyo Nasri waxay saaran yihiin doon ay iyagu naakhuudo ka yihiin  oo la dul sabaynaysaa badweynta nolosha.

Nasra bishii  siddeedaad markay u dhamaan rabto , Nuurayaa u kaxeeyay dhakhtar si loola taliyo ama loo loogu soo sheego goorta ay dhali doonto. dhakhtarku wuxuu  sheegay in ay bisha 9aad 19 dhali doonto.  Waa qiyaas , waxase ka weyn qoraalka Alle. Nasra  intan ay cuslaatay waxay ka nasataa shaqada tukaanka oo waxa caawisa walaasheed ka yar. maalmaha jimcaha waxay isku  soo booqdaan labada guri ee ay ku soo kala barbaareen. Nuurayaa gaadhiga u wada iyana way u sii sheekaygsaa inta ay la socoto. marka la arko iyadoo culus oo caloosha wax ku sida inta loo duceeya ayaa labada aqalba lagala soo dardaarmaa.

maalmuhu waxay is guraanba , fooshii ayaa sagaal saac habeenimo ku bilaaban tahay, jiif iyo joogba waa loo diiday. Nuurcid walba intuu wacay ayuu isku yeedhay kalkaaliso wixii joogay xaafada. habeenkii oo dhan baa lagu soo dul jeeday  oo kolba dhinac loo dhigayay, aakhirkiisa inta waxba laga qaban kari waayay ayaa loola cararay cisbitaal SOS oo loogu sheegay in uu u fiiican yahay dhalmada caruurta. Foshii ayaa ka soo dhawaaday waxana loo faaruqiyay iyada iyo dhakhtarkii. Nuurinkasta oo niyadiisu dagsan tahay hadana waxay dareemayaashiisu la shaqaynayaan xunuunka gacalisiisu dareemayso. 

Murugo iyo tiiraanyo ayaa wajigiisa laga dareemayaa , waase nin oo  waa qarsanayaa.  Wax la rogrogaba oo kolba loo nastaba abaaro 1dii duhurnnimo dhakhtarkii wuxuu u sheegay in ay qaliin u baahan tahay. qaraabadiii iyo aabihii reerku wax la rogroga waxay isku raaceen la la qalo sii loo badbaadiyo ilmaha iyo hooyadaba. nasiib daro se ma dhicin sidii la wada rabay.  Qaliinkii wuxu noqday mid aad u adag wuxuuna ku qaatay saacado ka badan intii la qoondeeyay.  

Warkii u horeeyay ee Nuurloo soo tabiyay wuxuu ahaa Wiil yar oo meyd ayaa laguu dhalay. Dhimasho aaa ........intuu madaxa qabsaday ayu ku dhawaaqay inaa lilaah , wa inaa lilaahi raajicuun. Nuurwaxay u ahayd maalin mugdi ah, rajadii uu lahaa ayaa u duntay sidii buul duqeed roob helay oo kale. saacado ka dib Nuurwaxa ku xigtay oo loo sheegay in ay Nasri umul raacday ama ay isku go'day. laba dhimasho aaaa..... Nuurwuxu u dhawaaday in uu khafiifo ama waasho oo maryaha tuuro, Waase la quraamiyay oo waxa loo dhisay inantii Nasra ka yareyd ee mar mar tukaanka la hayn jirtay walaasheed.


DHAMAAD

Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names