JAHAWAREERKII JIMCIHII XALAY
"Weerarkii hoteelada xeebta dalxiiska ee liido"


Dood adag ayaa dhex maraysay laba oday oo kala da'weynaa , bulshada halkaas ku noolna  aad looga dhex yaqaan.  Midi wuxuu ku doodayay hadii siyaasadan  soomaalidu dadkii wada qancin wayday , in aan nabbada yar ee lagu diirsaday la iska damin. Odayga kale ayaa aad uga duwanaa kuna doodayay "hadii dadka cunaha la qabto oo loo ogolaan waayo in ay noolaadaan oo qaajo lagu dilo , in aanay nabadi jireyn, nabaduna ay timaado marka nolol la haysto". Odayga dambe waxay doodiisu salka ku haysay in ay nabadu ku fiican tahay marka aad nolol wanaagsan haysato. Hayeeshii aniga iyo ragkale oo dhalinyaro ahaaba waxaan fadhiga ka aheyn dhagaystayaal fiican, waayo may jirin meel nooga banaan oo aan ka cidhiidhsan karno dooda ,labada odayga waxay ahaayeen laba oday oo aan kala dhicin, waayo aragnimo iyo wax sheegna looga dambeeyo. Aniga ahaan odayga hore oo ka soo jeeday dhanka bari , wajigiisuna ugu soo aadanaa ayaan aad ugu riyaaqsanaa, warkiisuna igu socday.

Dhankiisa ayaan dhabanada uhaystay, madaxana u lulayay, oo aan qunyar u dhagaysanayay dooda ka laba dhacaysa. Marar badan ayuu ku soo celceliyay  " Nabada aan haysano hada , waxa  tusaale u ah , meesha aan hada  fadhido ee aan ku fiidsanayno , isagoo  hadalkiisu ku adkaynaya odayga kale ayuu waydiinayay su'aasha ah " Hada miyaanad meesha nabad ku fadhin, ma qaxarkii iyo dhibtii la soo mooday ayaad rabtaa in dib loogu noqdo ? Miyaad fadhiyi lahayd haduu hoobiyo kugu socdo? Waa su'aalo ay ku adkeyd in uu odayga kale toos uga jawaabo, wuxuuse ahaa waayo arag , aad u afmiishaara oo aan aayar aan looga garheleyn,   carabkiisa ku  goosan kara cuudkiisa gareed .
Wuxuu su'aalahaa kaga hor tagayay su'aale kale oo ay ka mid ahaayeen  " hadii qaajo dhacdo qofkumiyaanu meel walba galeyn , miyaanu baahidiisu boob iyo dhac ku kalifeyn?. "Qof baahan waa qalad u joog ayuu afkiisu ku soo  cel celinayay" . Qaajada iyo nabada ayuu xidhiidhinayay , wuxuu hadalkiisu ku shubmayay  " Qaajo haday timaadaa qof walba qori ayuu qaadanayaa".

Waa dhab oo way cadahay , hadii baahi timaado, dhib ayaa timaada, haday dhimaato soo toostana , dhaawac iyo dhimasho ayaa dheela . Sheekaba sheekay keentaaye , odaygan hadalka la jalabuteynaya , ee goolaaftanka iyo gadh salaaxa isla goofaadhinaya oo  doodiisu u janjeedhay dhanka " In gaajo haday dhacdo , nabadi aanay guri ku jirey"  ayaa sheeko dheer  oo soo martay  maankiisu  mar qudha soo tufay.
Waxaan aragnay isagoo dhex mushaaxay mawjado qadhaadh oo qaxar iyo dhib miidhan la wada madoow . Isagoo hadlaya wuxuu yiri  " Waxay ahayd maalin aad u xumeyd ayaa i soo martay, dagaal ayaa nagu   qabsaday meel aan joognay , laba qof ayaa iga dhawacmay. Waxaan ku daweeyo mahayo , waxaan jal uga dhigana ma hayo . Talo ayaa igu gadhoodhay, fikir ayaa igu kali noqday. Gaajo , dagaal iyo baahi ayaa i garbo duubay oo dunidii asaagay iga reebay. Waxaa sameeyo ayaan waayay, waayo dalka waxa ka jira dagaalo qabiil oo maryo dhiigle ayaa maalin iyo habeenba la kala furtaa. Adaa reer habella  iyo anaa ree hebele ayaa la isku faanaa oo la isku dilaa.

Reer kastaba meel ayaa u xidhan oo ay dufaac kaga jiraan magaalada Muqdhisho.  Waxaan soo xasuustay  qori ii yaalay  degmo kale oo magaalada ka tirsan, waxaan damcay in aan qorigaa soo iibsado si aan nolol ugu soo badasho , dadkan iga dhawacnayna ugu daweysto , waxna ugu noolaado u masruufsado. Waxaan xasuustay hadana in xaaladu ay aad u xun tahay in la is dhex maraa oo la iska gudbaa, cadoow jidka kuu jooga ayaa jiree sideed u jiridaa qorigaa ayaan ku fikiray. Aakhirkii  naftu waxay isiin wayday in aa ka hakado oo aan naftayda ka badbaadiyo dhibta aan u badheedhayo, intii aan gaajo ugu dhiman lahaa, waxaan doorbiday in aan dharag ku dhinto . Maan ma lahayn markaan dhaqaaqay ee dhex jibaaxay hoydii dhimashada, qaajo ayaa i haysa  oo dhimashaba kama fikirayo. Tiraba 3 meel ayay igu qabteen 3 qabiil oo kala duwan oo uu ku jiro qabiilkii aan ka dhashay. Aakhirkiise fara cidi le ayaan kaga soo badbaaday.

Nafta oo aan bixin ayaan gaadhay meeshaan rabay.  Markuu shaakadiii halkaa marinayo ayuu odaygii toos intuu  ugu jeestay  ku yiri "Waxa sheekadan i galiyay oo aan uga socdaa waa  " Qaajo , Waar haday qaado ku hayso walaahi in aad meel walba galayso, waayo hadaan nolol waydo dadkaad dhacayaa si aan u noolaato.

Sheekadu maray halkaa marayso , waa la kala aamusay ,waayo odaygii sheekada watay ayaad moodaa in uu kolkan taabtay boogdii baahida loo qabay ee ahayd baahida iyo dhalinyarta maantana. Sheekadiisii wuxuu ku shukaan saday dhalinyar badan oo meesha fadhiday. Sheeko markay halkaa ku gunto rogatay ayaan anigu ka kacay meesha oo aan gudaha u galay biibito meesha ku taalay. Ileyn waxa soo socda JAHAWAREERKII JIMCAHEE,Odayga  Qaajada ka doodayay ayaa kacay ,waxaan arkayay isagoo qoslaya oo gadhkana gacmaha u marinayo si xarago le  , bakooradii uu haystayna si fiican ugu jiqlaysana  odaygii kale hortiisa, waxaad moodaysayba in uu dooda ku guulaystay dhankiisa , usa malayn maayo in ay taasi dhacday, waxase dhici karta in uu taageero aan badweyn uu sheekadiisii ku kasbaday.

Odayga kacay wuxuu xidhnaa dharka la tolo ee loo yaqaan " Fita shaari" ee ay inta badan xidhaan oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta. Intuu bakooradiisii shanta farood ka buuxsadayfa oo uu dhulka si fican ugu cuskaday ayuu salaan la sii jiidhay odaygii kale ee ay dooda isku hayeen.  Hadal haan ma buuxiyee  doodii waxay u ekeyd in ay soo af jaran tay, markaan odaygii oo bakooradiisii la soo laafyoonaya  jidka dhexdiisa dhanka qorox ka soo baxa ka sii arkayay , dhalinyartii meesha ku hadhay ee dhagaha iyo indhahaba kala socotayna mid mid ayay iska kaceen. Madashii waxa ku soo hadhay odaygii madaxu cadaa oo kaliya.

Dhuuuuuuuuuuuuuuuuuug.
Jahawarerkii xigay.
Yaaaaaaaaaaaa. Maxaa dhacay, Qarax, Qarax, Qarax, Qarax ayaa dhacay. Ma maqashay qarax baa dhacaye. Maxaa dhacay toloow , Ma qaraxbaa , Haa waa qarax , waa halkee toloow .  Meelbaa la galay caawa, ma hoobiyaa, maya waa qarax , Alla xabbadaa dhacayee, Bismilaahi ilaahay na badbaadi.  Dhanka xeebta liido ayuu ka dhacay qaruxu. Alla umad baa baa'baday caawa.  Waa iska caadi waxaasi ha u bixin.

Waa hadaladii jahawareerkii qaraxu dhaliyay ee ay ka dhashay dadkii joogay meesha.
Dadku way fiigsiin yihiin oo way naxsan yihiin, waxay ka naxsan yihiin wixii ay maqleen. Maaha dhul gariir , Mana ah duufaano iyo dabaylo kacay ,  Waase wax ka daran , waa dhago dilaac  dhimasho iyo dhaawac labadaba dhaliya. Waa Qarax ka dhacay xeebti dalxiiska ee liido. Dadku way yaaban yihiin, wayna yara wareersan yihiin. Sida caadiga ah marka qarax dhaco magaalada, qof walba wuxuu is waydiiyaa qofkiisii kale ee ka maqnaa, ama saaxiibkii ama qof ka mida qoyskiisa. Qof kasta oo meesha joogay wuxu wacay numberadii dadkii uu rabay in uu ogaado warkooda,Dadkii uu rabay in uu maqlo  hadalkoodii uu jeclaa, in uu arko muuqoodii uu rabay maalin iyo habeen.  
Maqalka qaraxa aniga dhankayga waxaan u qaatay in uu ahaa hoobiye meel laga soo riday, waxase isku raacay in uu qarax ahaa dadkiii meesha igula sugnaa. Anigoo yaaban ayaan odaygii doodiisu ay ahayd "Nabada yaan la damin" , intaan soo dhinac is taagay ku iri " Bal ka waran waxa dhacay". Odaygu  ileyn doodiisii ayuu tusaale u helee , isagoo laguhu u fidsan yihiin , gacantana mobile nooca dhaadhaar ee gacan salaaxa loo yaqaan ku fiiriyana indho okiyaale xidhan ayuu aayar iigu jawaabay " Maxaan ku lahaa Adeer, nabadu miyaanay markaa macaaneyn, Aaway ninkii ayuu isii raaciyay, intuu fiiryay gadaal , meeshii odaygu u dhaqaaqay. Waxay ku habooneyd in uu sii joogo.  Waxa kaluu yiri " Waliba gurigiisu waa dhanka  ay wax ka dhaceen" . Nabad baa naas la nuugo le intuu yiri ayaa aamusay, Shib.  

Shar baa ugu sheegid badane, daqiiqado ka dib , isla meeshii aniga oo aan ka dhaqaaqin ayaa wax u dhaw xaqiiqdii warku dhanka xeebta nooga timid. Waxaan ogaaney in qaraxu uu ka dhacay xeebta liido ee degmada Cabdicasiis. Salaamad , Allahayoow sidii fiican ka yeel oo sahal amuurah ayaan hoosta ka iri.

Jawigiii habeenimo ee dadkii ku jimcaysanayay xeebta liido wuxuu isku badalay jahawareer iyo kala yaac. Hadal baa ugu gaajo kulule, Intii meesha joogtay qofkastaa wuxuu noqday wariye iskii u madax badaan , wuxuu isku dayay in uu wax ka ogaado qaraxa meesha ka dhacay. Qof kasta oo yimaada meesha waxa la waydiinayay in uu wax ka ogyahay waxa meesha ka dhacay, qofkii xaafada joogayna wuxuu suuqa u soo doonanayay warka saxda ee wixii meesha ka dhacay. 

Magaaladu waa Muqdisho, waa meel uu caadi ka noqday qaraxa iyo qalalaasuhu , waa meel ay caadi ka noqotay dhimashada iyo dhaawucu, dhib weynse kuma hayso in ay dhagahoodu maqlaan war dhiilo leh, kamana dhargaan in ay dhagahooda maqlaan habeen iyo maalinba war farxad leh oo  lagu diirsado.  Muqdisho waa macaan iyo qaraar meel ku wada yaal. Habeenkii xalay ahaa dhaguhu waxay maqlayeen dhawaqa rasaasta ka dhacaysay dhuumaha kala duwan ee qoryaha xabadu ka dhacdo. Weerarkii kadib waxa warku soo sheegay in loo kala baxay dadkii meesha soo  weeraray iyo kuwii dadka bixin rabay. Habeen madow oo hub iyo rasaas la is huwinayay ayuu ahaa xalay. Akhriste wuxuuse ku koobnaa oo kaliya xaabta liido , gaar ahaan hoteelka la weeraaray oo kaliya.

Qaraxii xeebta liido wuxuu gilgilay dhamaan garaadkii shacabka caasimada, wuxuu werwer iyo wareer ku abuuray nafo xasilnaa oo nabadaa iftiintay ku daashoonayay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Wuxuu nafta seejiyay oo uu   ajasha halkaa kaga dhemeeyay dad badan oo iyagoo qoslaya ka soo baxay hogii ay ku noolaayeen iyagoo qaxwaynayana ku qudh waayay jawigii qurxuunoo ee ay ku jireen , qabrigoodiina maalintan jimcaha ah  laga qoday magaalada Muqdisho . Saacadihii ugu dambeeyay noloshooda ayay ku dalxiseen baararkii astaanta nabada u ahaa caasimada  Muqdisho , Sharaabkii ugu dambeeyay noloshoodana waxay cabeen iyagoo ku fadhiya kuraastii iyo miisaskii  aad u quruxda  badan ee teedsanaan jiray  barxadaha lagu caweeya ee ay ka dhacdo neecawda qaboow ee badweeynta Hindiya ee xeebta Liido.  

Salaantii iyo wadasheekaygii ugu dambeeyay noloshooda waxay isla qaateen cidii  ay meesha isla joogeen. Waxa dhamaaday wakhtigii noloshooda  , waxa la gaadhay wakhtigii la sugayay, waxa cirka ka  soo dhacday caleentoodii.  Way dhinteen intii dhimanaysay, Wayna dhaawacmeen intii dhaawac maysay. Way badbaadeen intii sii baaqi ahaanaysay , wayna baxsadeen intii badbaadi rabtay.
Jahawareerkii jimcihii xalayna wuxuu ku soo gabagaboobay iyadoo la leeyahay waxa dhintay 20 ruux, dhaawucuna wuxuu ka badan yahay laba jibaar.

Akhriste maqaalkan waa mid dareenka naftaydu kula wadaagaysa , isla arootii hore ee saaka markaan ka soo toosay hurdadii xalay, anigoo wali dhacadiid u jiifa ayaan bilaabay in aan idaacadaha magaalada dhagaysto  bal si aan wax ugoodo xalay wixi dhacay, inyar ka bacdani waxaan furtay laptop i garab yaalay. Intaan dhabta soo saartay ayaan bilaabay in aan fiiriyo wararkii ay ka qoreen wepsite-yada magaalada. Markiiba waxaan goobay wepsite-ka idaacada " Goob joob " , xaqiiqdii markaan taabtay ayaan xasuustii  iyo wixii xalay i soo maray dhex dabaashay. Intii aanan qureecan ka hor ayaan qoraalkan jeclaystay in aan kula wadaago akhirste.

Ha la yaabin hadii aad maqasho Muqdisho Qarax baa ka dhacay, dad badan baa ku dhintay , dad badana way ku dhaawacmeen,  hana la yaabin hadii aad maqasho Muqdisho Qof baa lagu dilay, qof baa lagu dhaawacay.  Ha la yaabin iyana hadaad maqasho muqdisho Hoteel weyn oo casriya ayaa laga dhisay , Hana la yaabin hadii aad maqasho muqdisho waxa laga sameeyay goobo dalxiis iyo beero damaashaad.

Wax walba waa macquul , Dhib iyo dheefna aduunka way ka wada jireen , wayna is garab socdaan. Horaan kuugu sheegay akhriste oo aan ku iri
Muqdisho waa macaan iyo qaraar meel ku wada yaal.  Dalkaygoow nabad, dadkaygoow nabad.

CKgaruun

22-01-2016

Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names