XASUUSTII MURUGADA


========================================================================
XASUUSTII MURUGADA
Markasta oo aan dhadhamiyo wax qaraar , waxaan soo xasuustaa maalin qaraar , wakhti qaraar iyo madal qaraar. Xusuuso waayo hore ayaa igu soo maaxda oo maankeyga u badala madal la isku haysto. Buuq iyo boholyow inta uu igu furmo ayuu madaxu I karaa, ilaa aan kiniini ka liqana kama nasto, kamana seexdo ee sidii wax waalan ayaan walbahaar iyo walwal la darsaa. Markasta oo aan soo xasuusto wixii I soo maray naftayda ayaan ula sheekaystaa sidii qaadi maxkamadeed oo kale. Waxaan kala doodaa cadaalada iyo waxay tarto, cadaalada darada iyo waxay keento , dhibanaha iyo sida loo abaal mariyo, dhib keenaha iyo sida loo ciqaabo, balse waxaan hadalka rogrognaba waxaan isku raacnaa in aanay cadaaladi oolin dunida seddexaad ciideeda "WAA AFRIKEE". Ilmada ka qubatay indhahaygu ileyn waxay qoysay laabtayda, waxay waddo taraaro leh ka jeexatay dhabanada jidhkayga, iyadoo dhibco ahna waxay uga da’day dhamaadka gadhkayga. Intaan usoo baraarugay sidii qof jinni galay oo hada faryarada bidix uu ka booday ayaan ilintii iska tiraa , intaan shaydaanka iska naaro, qulwalahana  akhristo oo aan tin ilaa cidhib isku masaxo  ayaan madaxa meel la doontaa, dabadeed intaan iskala bixiyo ayaan duni kale u jarmaadaa “Waan seexdaa”.

Waxaan dhiganayay dugsi  ka ugu qaalisan magaalada. Qoyskaayagu wuxuu ka koobnaa laba gabdhood , laba wiil oo aan anigu ku jiro iyo labadaayada waalid. Nolosha reerku waxay ahayd mid degan oo farxad ku dhisan. Waxa koolkoolin nagu soo koriyay laba waalid oo nooga qaalisanaa dheemanta iyo luulka. Aabe wuxuu ahaa injineer ka shaqeeya wasaarada boostada iyo isgaadhsiinta, hooyana waxay ahayd kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa xarunta hooyada iyo dhalaanka xaafada aan ku nool nahay. Markasta oo aabo tagayo shaqada wuxuu noosii qaadi jiray dugsiga aan wax ka barano, isaga ayaana na soo celin jiray oo xaafada ka keeni jiray. Waxaan xasuustaa in aan sii daawan jirnay dhismaha wadooyinka iyo bilicda daarada dhaadheer ee circa ku tolan. Farxada guriga dhexdiisa taalay may ahayn mid lacag lagu soo gadan karo, mana ahayn mid hadyad la isku siin karo ee waxay ahayd hibo eebo na siiyay iyo himilo laba waalid oo rumowday. Gurigu waa sar dheer oo camal qasri u samaysan , wuxuu ka koobnaa 8 qol , barande weyn iyo beeryar oo lagu raaxaysto,waxa kala oo jirtay barxad sare oo aabe ku laydhsado habeenkii. Waxaan u ahayd muraayad ay iska daawadaan labada waalid. Waxay nagu beerayeen farxad iyo jacayl oo waxay naga ilaalin jireen xumaanta, xasadka iyo nacaybka.

Dadku way argagaxsan yihiin waxaad moodaa in ay waalan yihiin, waxa bilaabmay boob iyo bililiqo aduun, dhamaan waxa la boobay xarumihii dawlada , maxkamadihii, bangiyadii iyo hoteeladii , wasaaradihii.  Tolow ma qiyaamihiibaa!!!?  Gawaadhida isku dhacaysa, dadka is jiidh jiidhaya, tuugta wax urursanaysa , waxaad moodaa in duni kale la yimid. Cadaaladii inta god madow lagu riday ayaa la aasay. Qabqableyn iyo qori soofaysi ayaa bilaabmay. Aabo maalintaa ma shaqo tagin ee guriga ayuu nagu ilaalinayay, hooyo se inta loogu yeedhay gabadh umul la dhibaateysan oo xarunta la keenay saaka aroortii ayay naga dhaqaaqday, balse dhawr saac ka bacdi way nagu soo noqotay. Wakhti walba waayihiisa leh, dhucu wuxuu gaadhay in guryaha la iskugu soo galo, maryaha la iska furto, la is dilo. Baqdin xoogle ayaa labadii waalid soo foodsaartay. Aabo wuxuu isku dayay in uu la xidhiidho nin ay saaxiibo ahaayeen dhinacna qaraabo ka ahaayeen oo ka shaqaynayay garooka diyaaradaha, balse nasiib daro ninkii wuxuu u sheegay in uu  wadanka iskaga cararay oo isaga iyo caruurtiisuba haatan ku sugan yihiin wadan ka mid wadamada jaarka. Arini way iska hor timid, Aabo wuxuu raadiyay in uu helo lacagtii u taalay bangiga dhexe, waase ku hunguubay oo waa hore ayaa sida haadku wax ku kala boobo loo kala dafay oo bangigiiiba wuu haawanayaa. Iska daa lacag laga helee , hal kursi ma dhex yaalo. Waa yaab, waa dhabana hays.

Ciil iyo dhacdo kugu gadhoodhay. Dadkani miyaanay dalkaba lahayn, maxay u dhacayaan , maxay u burburinayana dalkooda lagu dhisay iskaa wax u qabso?!!! Malaha dadkuba dadkii maaha ee duulkale ayaa qabsaday dalka. "Lax walba shileylka ay is dhigtaa lagu qalaaye” qax iyo qaxootinimo horleh ayaa bilaabmay. Meel aan u qaxno ma laha oo meelwalba meesha kale ka daran , qori iyo qasab wax ka keen ayaa kaa horeysa. Maalmo Kadib waxaan sidiii ahaanaba noloshii way is badashay, way adkaatay oo waxa la galay nolol kala yaac ah. Aabo si kasta oo uu iskugu dayay in uu wadanka nooga saaro way u suura galiwaysay oo sidan ayaa qorneyd.

Waa maalintii qadhaadheyd , qadhaadheyd ee aadka u qaadhaadheyd. Hurdo ay weheliso gaajo iyo baqdin ayaan ka soo toosay aroortaa. Dab iyo daawe baryahanba la iskugu dhadhaarin ee wixii la helo ayaa afka lagu dhuftaa, hadii la waayana qadoodi ayaa lagu seexdaa.
Waa la soo galay ee ha la is ilaaliyo ayaa dhagahayga ku soo dhacday. Yaa soo galay ayaa la is waydiiyay, hore se waa looga jawaabi waayay. Waa su’aale ma amxaaraa wadankii qabsatay mise waa walaalkaa oo waran kuu soo qaatay.  Waa yaab oo hadana yaab!!!. Xabadaha laga ridayo qoryaha dhuumaha waaweyn iyo ta ka dhacaysa kuwa dhuumaha dhuuban ee keebka uu ay u hayaan nimanka madow , qalalan iyo qamaamsani maaha mid kala hakanaysa ee waa mid u xaganaysa oogada guryaha si cadawtinimo leh.  Gaw, gaw , gaw ……… waar aqalka ha la furo. Alla baqdin badanaa ayaantaa.... Codkan buuran ee arxan daradu ka muuqato , waxaan ka maqlayaa qolka lixaad ee sarta sare , halkaas ayay hooyo armaajooyin waaweyn oo dharka aabo lagu ridi jiray nagu dhex qarisay. Hooyo , Aabo iyo qaraabo kale oo guriga soo magan gashay, waxay ku gabanayaan  hoolka hoose oo shub ka samaysnaa. 

Nimanku waxay wataan hal gaadhi oo u cabaadaya marka sheelada la cadaadiyo si argagixo leh. Wax laga dhaga’adaygaba albaabka furidiisa, waxa lagu soo jabiyay xabad olol cas oo qaylo kulul leh, kadibna waxa lagu soo qamaamay guriga intiisii kale. Aabo iyo odayaal kale oo ka hor yimid ragii guriga soo jabiyay waxa lagala hor yimid handadaad qori ka hadal ah. Inta xabado  kor iyo hoosba loogu riday oo qori dabadii lala dhacay ayaa laba dibble loo figeeyay. Arxan daranaa ma cadaabtaa laga keenay!! Inta lagu soo dhaafay laba axmaq oo aad moodo in ay ka soo hadheen duul ooman ayaa gudaha na loogu soo galay. Waxa isku soo hadhay waa birimageydidii , waa caruur iyo haween. Anagu waxaan joognaa sarta sare qol ka mid ayaa dusha nagaga xidhan , waxaanse maqlaynaa baroorta iyo qaylada isla daluuntay ee halka hoose nooga imanaysa. 

Dhamaan ragii intay guriga isku qaybiyeen ayay boob iyo bililiqo aan loo aabo yeelin ku degdegeen. Waxkasta way qaadanayeen , waxase noo dheeraa dil iyo hanjabaad rajo beel ah. Waxay maageen in ay dabaqa sare soo fuulaan, hooyo ayaa isku dayday in ay hor istaago,nasiib xumo se labadii ugu horeeyay intay isla qabteen ayay ka soo tureen jaranjadii qaybta sare, intay is qaban kari wayday ay madaxa dhulka ku dhufatay , dabadeed kooma gashay. Intaan adkaysan waynay ayaan qolka horey uga soo boodnay oo aan dhankeedii u soo cararnay anagoo oynayna. Kadib markaan nimankii usoo horeeyay orod ku soo jeedhnayba waxay naga soo daba rideen xafado qaac kulul. Nasiib daro wiilkii iga yaraa iyo gabadhii ku xigtay ayay lug iyo gacan ka haleeshay oo dhulka ugu tuurtay, aniga iyo gabadhii kalese waxba nama gaadhin. Intaan hooyo dul imid oo aan madaxa qabtay ayaan isku dayay in aan caawiyo si ay iila hadasho. Ayaan daranaa.. ma hooyo ayaan caawin, ma walaalahay baan qaban mise aabahaybaan doondooni. 

La iguma simine anigoo kolba mid doondoonaya ayaa madaxa qori dabadii la igaga dhuftay oo haraanti kabo qalafsan  la igala daalay, intaan afka dhiig ka keenay ayaan dhan u liicay. Markay waxkasta gaadhigii ka buuxsadeen waxay u soo jeesteen maatidii iyo caruurtii. Waxay bilaabeen in ay kufsadaan gabdhihii madaxa la soo kacay, ninkastaaba mid ayuu ku xushay oo dadka hortooda wuxuu doono ku sameeyay, xataa qarkood waxay damceen oo ay dhaafi waayeen in ay hooyooyinkii faraxumeeyaan. Mid ka mid ahaa kaabo qabiilkii oo wajigiisa ay ka muuqato dhiigya cabnimo saa’id ah ayaa damcay in uu kufsado gabadhii iga weyneyd oo hooyaday dhabta ku haysay kuna dul barooranaysay.  Qayladeedu waxay soo kiciyay aabo oo irida aqalka meel u dhaw laba dible qori loogu dul hayay. Intuu guriga hore u soo galay ayuu ninkii ka baryay in uu iska dhaafo inanta , waxkasta oo uu u baahan yahay in uu siinayo ayuu u balan qaaday , xataa dahab haduu u baahan yahay in uu u keenayo ayuu u sheegay.

Qaraxa baaruuda iyo qiiqo madow ee daba socday ee ka dhacay dhuunta labada dalool leh qoriga AK 45 ee uu keebka u qabtay qabqablaha qabiilku, wuxuu qofkasta ku riday shoog iyo amakaag waxaanu u soo jeediyay dhankii laga soo riday. waxa dhulka ku dhacay ee xabada dhabarkiisa ka booday waa aabo, si aan miyir lahayn ayuu dhulka ula dhacay. dhiig ayaa ka qulqulay dhabarkiisa meel u dhaw garabkiisa midig, sidaa ay tahayna hadalkiisa iyo guurguuradkiisa waa la maqlayay oo ma joojin. Tamar intaan iska dayay ayaan damcay in aan tuugo si uu iskaga daayo walaashay, waase iga diiday oo intuu amar bixiyay oo laba dible la ii qabtay oo jilbaha la igu joojiyay ayaa qori dhabarka la igaga garaacay. Alla xanuun badanaa... Ax Ax aheeey ah, anoo arkaya ayay waxwalba dhaceen...........
Intuu madaxa qabsaday oo hoos eegay ayuu igu yidhi "Markasta oo aan wax  qaraar cabo, waxaan soo xasuustaa maalin qaraar" hadalkii iima sii wadine intuu dhafoorka iyo dhabanka gacanta saaray ayay ilini uga hoortay indhiisa sidii gugii oo curtay oo kale. 

Xaalada uu ku jiray hadaan la gali lahaa waxaan hubaa in aan waalan lahaa ama dunidaba aan iskaga dhoofi lahaa. Mr. Josef intuu iga kacay ayuu u luuday dhankaa iyo meeshii uu ka deganaa magaalada. sheekada inkasta oo aanu ii dhameyn hadana waxaan ogaal ku hayay oo marhore aan sheeko ku maqlay in aabihii u geeriyooday dhaawicii ka soo gaadhay rasaastii lagu riday laba bil ka dib. waxa kale oo la ii sheegay in hooyadii  iyo isaguba ay u waasheen  wixii hortooda lagu sameeyay walaashii, walaalkiisii ka yaraana wuxuu u naafoobay xabadii kaga dhacday lugta bidix. Waxa kale oo la ii sheegay in isaga laga daweeyay 6 sano ka dib waalidii iyo shoogii ku dhacay maalintii qadhaadheyd. Haatan la joogo 2015 waxay ku noolyiin dalka Holland, dhamaan reerkoodii marka laga reebo aabahood oo ka mid noqday 800,000 oo qof  oo la xasuuqay.  Ogaalkey waxa qaxootinimo halkan ku keentay haayada UNCHR ee qaxootiga aduunka oo ka soo daabushay kaniisad ay magangalyo ahaan ugu dhuunteen. Waxa laga soo badbaadiyay intuu  uu socday dagaalkii sokeeye iyo xasuuqii xumaa ee dalka Ruwanda 1994. Waxay ka soo jeedeen qabiilka laga tirada badnaa ee Tutsiga. Josef , walaalihii iyo caruurtooduba  waxay si nabada ugu nool yihiin dalka Holland ee qaarada Yurub.

CKgaruun
Septemberr 2015

DHAMAAD 




Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names