Dagaalkii lo'da
ayaa bilaabmay
War ay ka naxeen jaaliyada lo'da ee
ku dhaqan deegaanka xamar ayay maalin dhaweyd ka maqleen idaacada dawladu
leedahay ee Radio Muqdisho. Maamulka deegaanka Xamar ayaa dagaal adag u
iclaamiyay dhamaan lo'adii daadsaneyd deegaanka caasimaada soomaaliyeed ee
Muqdisho. Lo'da oo ka mid ah xoolah a ay
soomaalidu dhaqato kuwa loogu jecel lahayn, islamarkaana leh manaafaacaad aad u
farabadan ayaa waayadii dambe soo galayay magaalooyinka waaweyn. Waxa lagu
arkayay suuqyada ugu waaweyn magaalada iyagoo
dhex laafyoonaya. Lo'ada waa
dawlad ku nool dadka hoostiisa.
Degmo kasta oo magaalada ka mid waxa
ku nool koox lo'o ah oo ka falaagowday dadkii
lahaa,kuna caan baxday kharibaada iyo boobka dadka iyo ganacsatada yar yar.
Waxay leedahay hogaamiye horjeege ay ku daba faylaan, isla markaana arin kasta
oo ay sameynayaan kow ka ah, una balaaleeya. Dibbidu waa labka lo'da , Waa Aabaha
xaynta wada socota ee qaraabsiga iyo boobka ugu dhex jirta dadka.
Dibigii Boore ee ay ku naanaysaan lo'ada magaaladu "
Ma dhintaha madoow " , dadkuna ugu yeeraan " Waalida madoow"
ayaa cadho urur jawaabeed iskugu yeedhay dhamaan caloolweyntii lo'ada ee ku dhaqneyd Muqdisho. Baryihii u dambeeyay
waxay lo'da joogta degmada Xamar weyne dagaal adag oo afka iyo madaxaba ah ku qaadeen suuqa khudaarleyda iyo danleyda
maalin tabcatada ah ee degmadaa u shaqo taga.
Kaartada waxaad moodaa in ay uga
soo baxeen kuliyada dhaca iyo boobka. Dumarka waayeelka iyo danyarta liidata
ayay xoog u sheegtaan mararka qaar oo ay ka furtaan cuntada iyo khudaarta ay
wataan, maalin walba dacwadooda ayaa buuxisay buugaagta saldhigyada degmooyinka
muqdisho siiba kuwa X. weyne iyo Waabari.
Suuqa khudaarta ee Waabari ayaa ka
mid ah saldhigyada lo' galeenka ah ee ay ka duulaan maalintii. Shaqadoodu waa
dhibaatadala dadka iyo la dagaalanka quruxda iyo muuqa magaalooyinka. Xooga iyo
cayilka ay qaadeen waxaad moodaa Booyado xaafadaha magaalada u dhaamiya biyaha. Waxay noqdeen Qamar jiyiin ,
qaar badana waxay u dhaw yihiin in ay noqdeen kirishbooyo la shaqeeeya
gawaadhida Caasiga loo yaqaan.
Lo'dani maaha midii la yaqaaney,
maaha lo'dii la dhaqaaleyn jiray ee lagu faani jiray dhaqashadeeda,
caanaheedana cabidooda lagu ku cayili jiray. Waa lo'o magaca uun lo'a ah
wadata, Muuqa iyo mabda'eedana nololedse uu aad ugu jaan duwan yahay. Waa Lo'o
mooryaanoowday oo intay madaxa maro cas ku duubatay yar iyo weyn go'aan ku gaadhay in ay la dagaalamaan
dadweynaha xeebta xamar ku nool.
Lo'dan mooryaanowday waxa xeer u ah
in ay xuubsado cunto kasta oo aan xarig
ku xidhneyd. In ay boobto cunto kasta oo
baylahsan, In ay dhacaan dhoocil kasta oo cunto la sii dhuq
dhuqlaynaysa, Afka ayaa u soofaysan oo
miciyo dhaadheer oo midiyo la moodo ayay yeesheen. Ma seexdaan maalin iyo
habeen. Awoowyaashood waxay soo galeen xamar markii uu bilowday dagaalkii
sokeeye ee 1991, intaa wixii ka dambeeyay caruur ayay ku dhalayeen oo maalinba
maalinta kale tiradooda ayaa sii badanaysay.
Markiii uu batay boobkii, baa'bi'ii
iyo cabashooyinkii ka dhashay ficiladii ay kula kacayeen shacabka ka shaqaysta
suuqyada degmooyinka magaalada , ayaa shirar kala duwan oo lagaga shawrayay
arintan cirka isku shareertay ee lo'da , aakhirkii waxa go'aan lagu soo
gabagabeeyay in dagaal adag lagu qaaddo lo'do. Lo'dii markii ay intaa maqashay
, dhankeeda waxay iska daba qabatay kulano iyo shirar kala duwan oo ay ku
cambaareynayaan go'aanka ay gaadheen maamulka gobolka banaadir.
Ma dhinte oo ah hogaamiyaha
mooryaanta lo'da ku dhaqan deegaanka xamar ayaa cod fariin ah oo soo dhigay boga twiterka ee ay lo'da leedahay
hawada sare ku sheegan warkan hoose ku qoran
" Hadii aynu nahay lo'da ku
dhaqan deegaanka Xamar, waad arkaysaan oo dagaal ayaa la inoo iclaamiyay, waa la isku keen baahaystay, wax
kalena maahee waxa laga xun yahay nolosheena iyo horumarkeena, Waxa la diidan
yahay in aan doorashada ka qay galno, in aan dalka dhinaceena ka maamulno ayaa laga
soo hor jeedaa, yeeli se mayno , waayo saamigeenii ayaan ka rabnaa dawlada, in
dumarka oo kaliya saami loogu xidho koonto ma xaqbaa? Aaway saamigii lo'du?
Wuxu soo gabagabeeyay ma dhinte
hadalkiisii " Waxaan idin leeyahay dhamaan tiin , mudaharaad salmiya ayaa
la iskugu iman doonaa taalada daljirka
Dahsoon, cabashadeenana waxaan u gudbin doonaa qaramada midoobay , safiiradaha dawlada caalamka, ururka igad,
iyo dawladaha carabta intabada. Yeeli mayno ayaan leenahay, Xamarna in aan ka baxnaa suuro gal maaha
maanta, Waayo mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu leeyahay pasport iyo waraaqdii
dhalashada. Hanti badan baan magaalada ku leenahay waxa ka mid Hoteel Juba iyo Curubo oo hoy noo ahaa sanado aad u
badan.
Markii hadalkaa ay maqleen
shacabkii magaaladu way yaabeen , ileyn sheekadiiba siyaasad ayay isku
badashee. Intay iska aamuseen ayay ilaaween dhibtii ay ku hasay , waliba
bilicdaradii ay deegaanka Xamar ku haysay kama ay hadlin ee bartii ay ku
dhaafeen.
Lo'du xamar ku nooli ma seexato , waxaad moodaa in
ay ilaaliso habeenkii magaalda, malaha waxa looga shikiyayba in ay amniga
magaalada khalkhal ku hayso, Malaha waxa
lagu eedeeyay mar haday habeenkii xaafadaha iska gudbayaan in ay fududeeyaan
hawlaha khalkhalginaya amniga, malaha dad badan oo la dilay ayay sabab u
ahaayeen.
Lo'dani aad ayay uga caqli badan
taay lo'da miyiga ku dhaqan. Hilibkeeda lama cuno , waayo lamaba qalo , waxase
la cabaa caanaheeda. Sidee loo cabi karaa caano lo'da qurunka , xashiiska iyo
bakhtiga ku nool? Haa, waa la cabaa , oo caanaha magaalada lagu iibiyo habeen
walba ayay ka mid yihiin. Haa , hadaan gartay . Lodani waxay cuntaa waxkasta oo
ka soo hor baxa, inyar ayay u dhawdahay in ay dadka cunto , qaarkood waxay
cunaan qaadka , kuwa kalana waxay cabaan sigaarka, koolada iyo sharaabka sida
kookaha iwn.
Caanaha lo'dan laga lisaa waa cudur
cad oo dadka laga gaddo habeen walba. Dadkuse way iska cabaan oo cudurka laftiisa
ayaabay ku caafimaadaan, lo'duna iyada
ayaa jecel in ay u hadho dalka , dadkuna
horey u dhamaadaan, sidaa daraadeed caano badan ayaa candhadeeda laga lisaa
habeen iyo maalinba.
Lo'da waa dawlada madax banaan oo
meel walba iskaga gudubta. Hadiii doorashada lagu soo xulo baarlamaanka soo socdana
waxa hubaal ah in ay lo'du saami ka badan ka dumarka ay helaan ay ka heli doonaan halkaas. Wadooyinka inta ay
dhex fadhiistaan ayay sheeko dheer ku
dhex galaan, mararka qaarna inta ay saf wada galaan ayay iyagoo isdaba susumaya
wadooyinka xidhaan oo wakhti badan la sugaa intay ka gudbi lahaayeen.
Maamulka degmada Xamar oo ka gadooday dawladan lo'da ee kala talisa 18ka gobol ee Xamar ayaa go'aan
adag miiska u garaacay in aan maanta ka dib laba maamul aanay xamar ka wada
shaqeyn kareyn. Waxay sameeyeen xerooyin ay ku ururiyaan oo ay cunto ugu
dhigaan halkaas. Lo'diina waxay go'aan adag ku gaartay in aanay dalkooda
Qaxooti ku noqon karin.
Maamulka deegaanka Caasimada Xamar
oo adeegsaday warbaahinta dawladda iyo ta gaar loo leeyahayba, waxay carabka ku
adkeeyeen qorshe adag u sameysteen la dagaalanka lo'da.
Lo'ada oo dhankeeda gaashaanka u daruurtay hadalada
kaga imanaya dhanka maamulka Xamar ayaa go'aan hooseed aan laga shaacin
warbaahinta ku sheegay " inta uu magaalada ka socdo raafka sharci darada
ah ee lagu hayo lo'ada, in la joogo
guryaha oo aan laga soo bixin, wuxuu siii raaciaya "in arintan ay
ku jiraan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta lo'da " hadalkaa waxa laga soo
xigtay oday Giire ,
Odaygiire oo ka mid oday
dhaqameedyada lo'ada ee da'diisu hada sii gabaabsi tahay ayaa koox mooryaan
lo'eed aad uga gadoodsan go'aankan lagu ururinayo oo wata baangado, geesahana
aad u soofaysay hadalkii ugu soo
gabagabeeyay Digniintan " Dagaalkii lo'da ayaa bilowday ee ha loo diyaar
garoowo dadweynaha lo'doow".
Cabdikriin Garruun
ckgarruun@gmail.com
DHAMAAD
Comments
Post a Comment