Xasanoow Jacaylkaagii ………

Xasanoow muddo badan oo aad xiiqsaneyd, naftana aad kolba dhinac ula xarbinaysay, saw habeen xiddigaagu soo baxay maad helin xuural-cayn ku nasisa, oo nafta kuu dejisa, noloshana kuu maceeysa. Saw  maalin aan xeebta Liido, maqaayada Beach View aan joogtay, Xurmo iyo gabdho kale oo la socday may soo fadhiisan miiskii dhanka bidix ee badda xigay. Saw Xurmo si toos ah foolkaaga kuuma soo wajihin, adna ileen doob baad ahayde, saw nafta umaad diyaarin in aad iibiso oo jiniyo kuu qarsoonaa lamaad soo bixin. Saw aniguna dusha kaalama socon oo intaa isha kuguma xadeyn. Saw dhawr jeer oo aad isha ku xadday, Iyana dareen ma gelin oo hoosta kaama jaleecin. Saw wadnayaashiinu intay kala naxeen, dareen xiiso leh dhexdiina kama dhalan,xididadiinana midkastaba halbowlihiisu uma garaacmin sidii music raab ah. Saw anagoo dhaxanta baddu hanjabysaa soo tufayso la qadhqadhyoonayna, adiguna wajiga dhidid buurbuurani kaama soo boodin ileen kaar baa kugu shidnaaye.

Xasanoow ileen xariif ma tihide, saw jidhkeeddii 17 jirsaday, ee tin ilaa cidhib catuutiga ahna lamaad dhex qaadin indhahaagii sida ciyoowga u gignaa oo kamaad jeedin waayinb. Saw ileen maad joogine, riyo maad dhex muquuran oo nolol farxad leh oo ay kugu weheliso iyadu maad dhex mushaaxin.Ileen waxaad tahay doob aan waligii gabadh gacanta taabane, dhoolacadeynteeda iyo damnaheeda dugulkaa ee ay u muujinaysay sidii wadne kala furan iyo dhoolasheedii dabarka sidii qaanso roobaad ugu xardhanaa iyo waliba xishoodkeedii muuseysnaa, saw naftaadii ma qaadan oo ileen maad joogine, lagulama tegin dhulkii mucaashaqiinta. Xasanoow saw iyaduna ileen gabadh kaa da’yar oo aan waligeed daarada hooyadeed soo dhaafin bay ahayde,  indhahaagii aad ku liishaamaysay , leeb kumay muddin oo laabta kama wareemin. Xasanoow saw fiidkaa, faqii aan ku jirnay, iyo arintii aan faaleynaynay, adigu maad fahmi waayin, oo faynuus jacayl meel kale kaagama daarmin.  

Xasanoow, saw adigoo jacayl la shakhraansan, kursi gaar ah intaad fadhiisatay, kiniini madaxna yarkii kabayeeriga ahaa aad weydiisatay, hal koob oo Cofe Jiine ahna kamaad dalban. Kadibna, si kal furan oo saaxiibtinimo leh ugumaad odhan “gabadhaas geenyada ah numberkeeda ii soo daf saaxiib, abaalweyna waan kuu hayaa , abaal marintaaduna waa xagayga”. Saw , ileen kabayeerigu saaxiibkaa buu ahaaye, si uu ku keenayba mooyee, gabadhii numberkeedii muu soo raacin dalabkii kuu maqnaa. Saw Xasanoow ileen waan kula socdee, intaad iskala garan weyday farxad darteed, xisaabtu kaama khaldamin oo kabayeerigii umaad tuurin $100 oo EVC ah, adiga oo is leh u dir $10 oo hawl fudeydin ah. Saw markay baqshadii kuu soo dhacday ee aad aragtay, maad nixin!, haddana si aad uga soo celiso maad garan waayin oo dareenka jacaylka ku qaadaa dhigayaa, kuguma qancin “waa iska caadi ee inanta madaxeeda ku dhaaf” ileen nin la sito ayaad ahayde.

Xasanoow ileen nin waligii xeeb yimid maad ahayn oo caro joog baad ahayde, saw neecawdii xeebta badweynta Hindiya , kafeegii maqaayada Beach View iyo aragtidii xuural ceynta ifka aad ku aragtay xiskaagii ma qaadan oo xaalad kale oo degganaan badan kuma  dhex xaluulin.  Xasanoow saw numberkii gabadha ee laguu soo qoray maad xareysan oo WhatsApp fariin ugama aad dirin adiga oo aan wali hal kabasho laabtaadii holcaysay ku qaboojin. Xasanoow saw markay aragtay fariintaadii koowaadba, ileen xariifad indhaha kaa fahantay bay ahayde, kuumay soo dhaweynin si kal furan oo i kasbo u muuqata.

Xasanoow ileen waan kula socdee, saw fariintan umaad dirin judhiiba;

“ Xurmooy iska waran ”

Saw Xurmo kuugumay jawaabin “ Waa kuma ? ”.

Xasanoow saw maad nixin, haddana intaad Is adkeysay saw maad u qorin “ Xurmooy waa Xasan, wiilkii hortaada fadhiyay ee fool ka fool aad isku fiirinayseen, haddana hareertaas u baxay, adiga dartaana sidaa u sameeyay”. Dabadeed geeraaro iyo gabayo calaacal miidhan ah oo aad si darandoori ah dhawr jeer iskaga daba dirtay, saw aakhirkii kasheedu kuuma soo dabcin oo dareenkaagii muu taaban.

Saw Xurmo si fiican kuuma soo dhaweynin, oo kuma odhan “ Xasanoow kusoo dhawoow aboowe, laab xalan, qalbi xaadhan, hadal xulan iyo naf xiiso qabta”.

Xasanoow saw intay farxad kaa tan badisay , erayadaa laguu soo qorayna aad laxan macaan saaratay , qalbigaaga kumaad qoynin oo gabigaaguba maad farxad qaboobin. Dabadeed saw ileen nin miyi ayaad ahayde, erayo cishqiyeysan iskamaad baadhbaadhin oo iskumaad dayin in aad sidii daruur u curuto.

Saw adiga oo hirarka badda fiirinaya, qalbigana kala socda qalanjada ku qaadatay , erayo macaan badan , oo qalbiga ka yimid adiga oo dareen la gargariinaya umaad qorin sidan;

“Xurmooy, Xuural ceyntii dunnidaay, xiskaygii qaadatoo, laabtayda xushee huuno, xagee baad ku dhalatay ? ”.

Xurmo waa tii iyana kuugu jawaabtay “

Xasanoow aboowe,

Xeebtii Warsheekhbay

xundhurtaydu taalaa

 Waalid xurmo badanbaa

 Xoogooda maaloo,

 Ii hurey xaqoodii

 

Xasanoow markaad fahmay in Xurmo ay kaa hadal macaan tahay, saw maad soo gaabin, haasaawaha, sheekadiina umaad  badalin kaftan iyo daandaansi dareen jacayl haggayo.  

Saw kumaad odhan “ Waan ku calmaday”, Saw iyana kuuguma jawaabin “ Soo dhawoow aan wada caweynee”, iyadoo markasta oo ay fariin kuu soo dirto dhankaaga eegmo jacayl ku soo xadaysa, haddana xishood gabdheed la jeedsanaysa.

Xasanoow saw intaad is hayn kari weyday kumaad odhan “ Qosolkaaga ayaa qaaliyeey qalbigeyga qaatay”, Iyana saw kuuguma jawaabin “ Quruxdaada ayaan qumanoow aan u qushuucay ”.

Xasanoow saw intaad qosashay , oo kabashadii ugu dambeysay ee Kofeegii laguu soo dhigay aad qac ka siiyay umaad qorin “ Xurmooy, waan kuu boggoo , waan ku qodradee , ma is baran karnaa ? ”.

Xurmo oo sheedda kaaga muuqataa, markay akhriday fariintaadii intay dhoolacadeysay oo ay si qurux badan u muujisay camankeedii catuushyada lahaa, saw kuumay soo qorin fariintan. “ Xasanoow hadday meeli ku bogto, anaa ku baanin, hadduu qalbigu ku holcayana, anaa ku qaboojin, hadduu wadnuhu dhiiga qubayana, anaa xinjiro u noqon joojin doona ee waa inoo balan kale iyo barasho wacan boqorkaygiiyoow, jaaw”. Intay baxeen iyada iyo gabdhihii kale saw may aadin dhanka xeebta oo badda cagaha may soo galin.

Xasanoow adna saw dib ugumaad soo noqon asxaabtaadii oo weli ka doodaya guurka iyo furiinka sii badanaya, aniguna aan dhexda ka fadhiyo. Xasanoow saaxiib, saw naguma  aad khasbin in aan dhanka badda u dhaadhacno,adiga oo niyada ka doonaya in aad quruxdeeda  soo daawacado yartii daa’uus la moodka ahayd. Saw xeeliga uma aanu usoo bixin, dayaxa oo 14 jirsaday oo iftiinkiisu aduunkii wada gaadhayna badda agteeda kumaanu daansho daanshoon.Xasanoow saw intii aanu xeebta joognay ee aan jawiga macaanka ah ku jirnay, adiguna Xurmo oo badda caga kula jirta, indhaha kumaad doogsan oo qalbiga kumaad daweynin. Saw quruxdeedii, hub qaadkeedii iyo hanaankeedii laafyoodka lahaa laabtaada may laba qaadin, oo adiguba qof la haysto oo isla maqan maad noqon. Saw marka ay indhahaagu qabtaan laabteeda ligligan ee u lishaaman sidii muduca, maad soo xasuuusan  buurihii naasahabloow ee aad xoolaha ku ag eegi jirtay caruurnimadii. Saw jawigu kuuma macaanaan oo heesihii aad kalidaa qaadi jirtay , caawa dhadhan iyo dhacdo kuuma yeelan.

Xasanoow, habeenkaa wixii ka dambeeyay saw xadhig jacayl ma aydin wada guntin, oo gunta kamaydaan xidhiidhin,  dhawr jeerna kuma aydin kulmin Xeebta Liido labadiina oo kali ahi, dabadeed intaad is raacdeen badda cagaha meydin soo wada gelin, magacyadiinana ciidda xeebta ee xalan kumaydaan wada qorin, inta aad wadno ku dhex sawirteen. Xasanoow saw xeebta Warsheeg umaydin dalxiis tegin, xeebta Jaziirana iskumaydaan raacin dhawr jeer. Saw dhawr bil oo aad saaxiibo dhaw noqoteen, noloshaadu uma ekaan nin dhawaan soo dhashay oo dheeh qurxooni kuma saarmin. Xasanoow, saw umaad adkeysan waayin in aad ku sii jirto noloshan doobnimada ah,dabadeed marar badan oo aad ka baridday guur , aakhirkii markii tobnaad saw kumaad guuleysan in ay kaa aqbasho. Xasanoow Saw meherkaagii kama dhicin xeebtii dalxiiska ee xubigaagu ku dhalatay ee Warsheekh. Xasanoow saw dadka deegaanku kuguma soo dhaweyn Fardo, Shiribna kuuma tumin. Saw indheergaradka iyo cuqaashu duco iyo dardaaran kuuma hagoogin. Saw hal habeen kumaynu soo dhixin, oo intaan xeeliga badda fadhiisanay , kaman qaaci ah la inooma tumin,Xurmana intay laabtaada soo gashay , adna dhex maad qabsan oo sidii ilmo iyo hooyadeed is ma aydin dhooldhiilin. Saw adiga oo lamaane ah iyo anaga oo kali kali ah caweys qurux badan maynu qaadan. Xasanoow intaa wixii ka dambeeyay , saw Xurmo kuuma dhixin oo si xalaal ah kuulama jiifan sariir xariir ah. Saw hurdadii habeenkii aad waayi jirtay, ilbidhiqsiyo gudahood kuuma timaado marka Xurmo dhinacaaga soo seexato ee ay xabiibi ku tidhaa. Xasanoow saw muuqaagii muu soo noqon oo raga qayrkaa kamaad qurux badnaan. Saw intaad geesi noqotay , gadhka maad deysan oo go’shaal ah , macamuus iyo bakoorad galbihii kuma soo baxdid. Saaxiib , Saw Xurmo kaama dhigin nin rag dhaafay, saw naf kale kumay gelin, oo saw  nimco iyo naruuro kumeey tusin, adna marka aad noo timaado saw nolol jano oo kale ah noogama sheekeysid.

Xasanoow saw markasta ma tidhaahdid “ Dumarku waa nolol, noloshuna waa dumar”. Xasanoow saw hadda adigu nooguma faan badnid, oo nama yastid marka aan arimo guur soo hadal qaadno. Xasanoow saaxiib, Xurmo saw afar caruur ah kuumay dhalin, laba wiil iyo laba gabdhood oo mataano ah. Saw ileen waa gaarri haweene, intay lacag meel ay ka keentay aad garan weyday ku siiyay kumay odhan “ Xaaji inoogu shaqee”, adiguna ileen baagamuudo ayaad ahayde, saw intay si fiican kuula talisay, maad furan maqaayad Kofee lagu iibiyo”. Xasanoow saw maqaayadii kuuma kala qarxin oo macaash fooqal caadi ah maad helin. Xasanoow saw gurri kamaad dhisan, gaadhi kamaad iibsan, caruurtaadana iskuulada ugu fiican magaalada maad geysan.

Xasanoow saw dawladda xil lagaagama magacaabin, ileen aqoonta xisaabta ayaad jaamacad ka soo dhameysee. Xasanoow saw xisaabiye kamaad noqon wasaarada Maaliyada, saw noloshaadii masii bulaalin, oo boqolaal gurri maad yeelan. Saw dagaalkii idinkuma dhicin, oo dibada umaad guurrin adiga iyo qoysku. Xasanoow saw noloshaadii kamaad sii bilaabin dalka Canada ,halkaasna nolol kale oo farxad badan kugumay hoggaamin xaaskaagii Xurmo badan. Saw dalka dib ugumaad soo noqon hadda, oo xildhibaan kamaad noqon dawladan Xasan Sheekh. Xasanoow saw xuska jacaylkaaga umaad tegin magaalada Gabiley oo geedkii jacaylka ee aad ku beerteen wadada hareerteeda maad soo waraabin, soona fiirin adiga iyo qoyskaagu. Xasanooow sidoo kale saw Berbera iyo Jacaylkii Cilmi Boodhari kamaad soo barakeysan. Saw noloshu hadda dhag dhag kuuma marayso, caruurtaaduna saw jaamacado kama bixin oo mid walba dhankiisa isku filnaan, adiguna maad noqon aboowe ixtiraam loo hayo.

Xasanoow 34 sano kadib, xeebtii aad nolosha ka bilowday, saw maanta si kadis ah ugumaynaan kulmin, anigoon is arkin burburkii kadib. Xasanoow “xasuusbaa geela lagu xergeeyaaye” saw iskumaynaan xiiso bururin oo is waayo iyo wacaal wareysan. Saw imaad weydiin caruurtayda,ana saw kuuma sheegin in aan 10 caruur ah iyo toban ay sii dhaleen aan dunnida la joogo, dantoodana ku ilaasho. Saw kumaan soo xasuusin sheekadii jacaylkiinan midho dhalay, adiguna saw igumaad adkeyn in aad maalinta jimcaha si fiican ii casuumi doonto. Saw kumaan iman, Xaaskaagii Xurmana saw iimay soo dhaweyn sidii walaalkeed oo kale. Saw xasuusihii jacaylkiina sheeko aan ka qoray si lama filaan ah idiinma guddoonsiin. Saw sheekada ugumaan magac darin “ Xasanoow Jacaylkaagii”. Saw labadiina oo is dhinac fadhiya , si fiican oo qurux badan oo kaftan leh umaydaan akhrisan idiinkoo qosal iyo qumuumyo jacayl la baaxaadaageya.  Saw sida  ay noloshu idiinku qurux badan tahay, iyo malabka hadaladiina ka da’aya aan la qiyaasi karin,  waxaan mooday in wali jacaylku wali bilow idiin yahay,  laakiin haddana saw maan soo xasuusan xigmadii ahayd “ jacaylkuba wuxuu koraa guurka kadib”. Xasanoow saw xaaskaygii imay soo wicin, anigoon jecleyn in aan idinka tago.  Saw caga jiid kumaan bixin, idinkoo niyada ka raba sheekadeyda iyo in aan idinla sii joogo wali.

Xasanoow saw balan kale iimaad qaban jimcihii xigay iyo bartii jacaylkiinu ka bilowday ee Xeebta Liido, gaar ahaan maqaayada Beach View. Saw maynu kulmin oo si qoto dheer umaynu qaraaxaysan, qaxar iyo qamuunyo wixii la soo marayna islama aanu qaadaa dhigin. Saw sidaas kumaynu kala hoyan oo nabad kumaanu kala hoyan, ninkastana gurigiisii ay ku sugaysay ooridiisii uu jeclaa gaadhigiisii cadaa umuu kaxaysan.

 

Abdikarim Garruun

Author and Researcher

Muqdisho July 2022

 

 

 


Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names