Posts

Dagaalkii lo'da ayaa bilaabmay War ay ka naxeen jaaliyada lo'da ee ku dhaqan deegaanka xamar ayay maalin dhaweyd ka maqleen idaacada dawladu leedahay ee Radio Muqdisho. Maamulka deegaanka Xamar ayaa dagaal adag u iclaamiyay dhamaan lo'adii daadsaneyd deegaanka caasimaada soomaaliyeed ee Muqdisho. Lo'da  oo ka mid ah xoolah a ay soomaalidu dhaqato kuwa loogu jecel lahayn, islamarkaana leh manaafaacaad aad u farabadan ayaa waayadii dambe soo galayay magaalooyinka waaweyn. Waxa lagu arkayay suuqyada ugu waaweyn magaalada iyagoo  dhex laafyoonaya.  Lo'ada waa dawlad ku nool dadka hoostiisa. Degmo kasta oo magaalada ka mid waxa ku nool koox lo'o ah oo  ka falaagowday dadkii lahaa,kuna caan baxday kharibaada iyo boobka dadka iyo ganacsatada yar yar. Waxay leedahay hogaamiye horjeege ay ku daba faylaan, isla markaana arin kasta oo ay sameynayaan kow ka ah, una balaaleeya. Dibbidu waa labka lo'da , Waa Aabaha xaynta wada socota ee qaraabsiga iyo boobka...
JAHAWAREERKII JIMCIHII XALAY "Weerarkii hoteelada xeebta dalxiiska ee liido" Dood adag ayaa dhex maraysay laba oday oo kala da'weynaa , bulshada halkaas ku noolna  aad looga dhex yaqaan.  Midi wuxuu ku doodayay hadii siyaasadan  soomaalidu dadkii wada qancin wayday , in aan nabbada yar ee lagu diirsaday la iska damin. Odayga kale ayaa aad uga duwanaa kuna doodayay "hadii dadka cunaha la qabto oo loo ogolaan waayo in ay noolaadaan oo qaajo lagu dilo , in aanay nabadi jireyn, nabaduna ay timaado marka nolol la haysto". Odayga dambe waxay doodiisu salka ku haysay in ay nabadu ku fiican tahay marka aad nolol wanaagsan haysato. Hayeeshii aniga iyo ragkale oo dhalinyaro ahaaba waxaan fadhiga ka aheyn dhagaystayaal fiican, waayo may jirin meel nooga banaan oo aan ka cidhiidhsan karno dooda ,labada odayga waxay ahaayeen laba oday oo aan kala dhicin, waayo aragnimo iyo wax sheegna looga dambeeyo. Aniga ahaan odayga hore oo ka soo jeeday dhanka bari , wajigiis...
Image
SOORYO GOBEED   "Bun iyo canbuulo"    " kurbin iyo qaando , koob iyo shaah waa koor iyo quud, kab iyo suun" Xuseen Sh. Axmed Kadare Sooryo Gobeed waa sooryo lagu sooro gobta"dadka inta fiican" , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka , Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad ilaahay ku hagoogay.  Eeg sawirka sare, waa kurbin " Xeedho", qaando" Fandhaal iyo     canbuulo " digir " ku jirta sixni. Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale   ee ku dhadhaw.     Inta badan waxa soo raaca  Daango" Salool " iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad  ku dhex leh bulshada  ...

FANAAN IF BAXAY

Image
FANAAN IF BAXAY  ______  Habeenkii Fanka & Hibadii Hilaac   ______  ********************   Cabdikariin Garruun  Muqdisho, Soomaaliya  Ogoosto 1, 2015 =========================== Dhamaan dhagaha shacabka caasimada soomaaliya waxa mar kaliya  iibsaday idaacada gaarka loo leeyahay oo sodoneeyo ka baddan , kana hadlayay safarka dhaw ee Fanaanka da'da yar uu ku imanayo magaalada Muqdisho.  Taariikhdu markay ku beegnayd 14 bishiii dhamaatay ee Julaay ayuu Fanaankii da'da yaree ee dadweynaha Muqdisho aad u wadda sugayeen ka soo dagay garoonka diyaaradaha    ee Aadan Cade. Waxa loo soo dhaweeyay si aan   erayo qoran lagu qiyaasi karin. Waxa ka qayb galay soo dhaweyntiisa dhamaan shacabka ku dhaqan caasimada ee fankiisa aad u taageera. Waxa si khaasa ugu soo dhaweeyay gudaha garoonka Fanaanada uu martida u ahaa ee Fartuun Cumar oo iyada kaga soo horeysay Caasimada iyo fanaaniin farabadan oo guda joo...