FANAAN IF BAXAY
FANAAN IF BAXAY
______ Habeenkii Fanka & Hibadii Hilaac ______
********************
Cabdikariin Garruun
Muqdisho, Soomaaliya
Ogoosto 1, 2015
===========================
Nimcaankii hilaacee
Heegada dusheediyo
hawadaa maraayoow
Fankii haybad iyo
Humaag baad u yeeshoo
Sidii hogol da'aysaad
Dadkii wada hagoogtoo
Sida hashii maandeeq baad
Haaneed ka maashoo
Shacabkii hilownaa
Hamuuntii ka saartoo
Waa lagagu hirtaayoo
Waxaad tahay halyay dhaba
Iyo hoobal caan baxay
*************************
Fanka heeladiisii
Cabdisinimo haleelee
Boon hareeraheediyo
laga helay lughayo ee
Hibo Nuuri hagaysaad
Hilinkiisa qaadoood
Hibadeedii leedahay
***********************
Hoygiii dalkoo idil
Laga wada hagaayee
Halyeeyada fankeeniyo
Hanadada ku faantee
Wiilkastoo halyeeyoo
Iyo lagu haabto boqorkaad
Haybteeda doontood
Hubaashii jeclaatee
Soo hiro hilaacoo
Halkan soo fadhiisoo
Muqdishana bal hooyoo
Hawadeeda qaadoo
Hurdadeeda aragoo
Cuntadeeda habo'oo
Hadalkana dhagaysoo
Hoobayda heesaha
Adna huri dhankaagoo
Xusuus aan hadhayniyo
Mahadhada bal joogtee
***************************
Fanaankii hilaacow
Waxaan hadal ku farayaa
Dalka haybadiisiyo
Hidihii dadkaagiyo
Dhaqankii halaabayiyo
Afkii haybadiisii
Waa hore halaabtee
In aad adigu hawshaa
Hogaankeeda qabatoo
Hagtaayood shaqaysoo
Haybteeda keentaad
Hilaacoow la sugayaa
*******************************
Fanaankii hilaacoow
Waxaan hadal ku leenahay
Haybtaadu waa qaran
Humaagaagu waa sharaf
Carabkaagu waa hodan
Dhawaqaadu waa hibo
Balaayda hareertaa
Baaskaana kaa huwan
Muqdishana hankeediyo
Dadweynaha ay haysaa
Ducadaada hurayoo
Habeen iyo dharaarba
Hadalkaaga sugayee
Ilaahay jid hoogliyo
Kuma tuso habaabe
Fanka heeladiiisana
Xajiyoo ha sii deyn.
______ Habeenkii Fanka & Hibadii Hilaac ______
********************
Cabdikariin Garruun
Muqdisho, Soomaaliya
Ogoosto 1, 2015
===========================
Dhamaan dhagaha shacabka caasimada soomaaliya waxa mar kaliya iibsaday idaacada gaarka loo leeyahay oo sodoneeyo ka baddan , kana hadlayay safarka dhaw ee Fanaanka da'da yar uu ku imanayo magaalada Muqdisho.
Taariikhdu
markay ku beegnayd 14 bishiii dhamaatay ee Julaay ayuu Fanaankii da'da yaree ee
dadweynaha Muqdisho aad u wadda sugayeen ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade. Waxa loo soo dhaweeyay si aan erayo qoran lagu qiyaasi karin. Waxa ka qayb
galay soo dhaweyntiisa dhamaan shacabka ku dhaqan caasimada ee fankiisa aad u
taageera. Waxa si khaasa ugu soo dhaweeyay gudaha garoonka Fanaanada uu martida
u ahaa ee Fartuun Cumar oo iyada kaga soo horeysay Caasimada iyo fanaaniin
farabadan oo guda joog ahaa.
Dhamaan barnaamijyadii idaacadaha waxa qaatay warka
xambaarsan imaanshaha Nimcaan hilaac iyo sida qurxoon ee aan loo kala hadhin soo dhaweyntiisa. Idaacad walba waxay
tartan u gashay in ay soo waraysato fanaanka da'da yar ee if baxay. Wargeysyada
maalintii ku xigtay soo baxayna waxa sarka hore saarnaa warka safarkiisa ka
hadlaya. Mareegaha hawada wax ku baahiyana waxay dhamaan soo qaadanayeen oo ay
ummada u gudbinayeeen musawirada iyo maqaalada ay ka qoreen safarkiisa.
Nicmaan Hilaac in uu noqday fanaan IF BAXAY , waxa ii cadeeyay
markii aan ka ogaaday idaacadaha maqaalada Muqdisho oo heesihiisa u baratamaya
in ay maqalka haboon u gudbiyaan shacabka ay u shaqeeyaan. Sidoo kale waxa
iyana ii si cadaysay in uu Nimcaan IF BAXAY jacaylka iyo qadarinta looga hayo caasimada. Habeenkii uu bandhiga
ciida ku samaynayay Hoteelka City Plaza , waxaan ahaa markhaati ku sugnaa gudaha hoteelka, umase tegin in aan bandhiga
heesihiisa ku raaxaysto ee si caadi ah ayaan aniga iyo saaxiibkay ugu
dalxiisaynay gudaha hoteelka.
Maalintaa shacabkii u diyaarsanaa in ay ka qayb qaataan
bandhigu waxay buuxiyeen gudaha hoteelka iyo goobkasta oo hoteelka ka agdhaw.
Lacagta halki tikit waxay ahay $20, inkasta oo aan anigu markii hore u arkayay
in lacagtu ay aad u badan tahay, hadana waxaan ogaaday in tikidadiii la kala
laayahay , tani waxay ii cadaysay in dhalinta wakhtigan joogta uu madax
maray fanku , una baahan yihiin madadaalo iyo murti ay ku iloowaan dhibka iyo
rafaadka ay dhex joogaan.
Waxyaabaha aan
aadka uula cajabay waxa ka mid ahaa in maamulkii hoolka bandhigu ay awoodi waayeen
in ay kala hagi waayaan shacabka iyo dhalinyarta u humuun qaba shawga. Waxa loo
dalbaday maamul dheeraada iyo ciiidan amniga suga, si dadka loo kala hago
gudahana loo wada gasho, waxay ahayd arin aan u taagnaa habeenkaa.
Shacabkii habeenkaa shawgii Fanaankan hilaacay ka soo qayb
galay waxa lagu sheegay in ay kor u
dhaafeen 3000 oo qof. Ogow qofkastaa wuxuu bixiyay $20. Dhamaan xisaabta
kharashka ka soo gashay habeenka bandhigu wuxuu ahaa mid qayral caadi ah,adigaa
xisaabin kara intaa wixii ka dambeeya.
Ugu dambayntii Fanaankii hilaacay wuxu dareemay in shacabka
soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay aad u jecel yihiin, fankiisuna uu
leeyahay malaayiin taageero ah. Soo dhaweyntii iyo maamuuskii sharafta badnaa
ee shacabkii Caasimadu ay ku qaabileen Nimcaan wuxuu ka helay dhiiranaan iyo han dheeraada oo u soo
kordhay.
Runtii markii aan arkay Nimcaan in uu yeeshay astaamaha fanaan caan baxay , waxaan ku soo dhaweeyay tixdan hoose
Heegada dusheediyo
hawadaa maraayoow
Fankii haybad iyo
Humaag baad u yeeshoo
Sidii hogol da'aysaad
Dadkii wada hagoogtoo
Sida hashii maandeeq baad
Haaneed ka maashoo
Shacabkii hilownaa
Hamuuntii ka saartoo
Waa lagagu hirtaayoo
Waxaad tahay halyay dhaba
Iyo hoobal caan baxay
*************************
Fanka heeladiisii
Cabdisinimo haleelee
Boon hareeraheediyo
laga helay lughayo ee
Hibo Nuuri hagaysaad
Hilinkiisa qaadoood
Hibadeedii leedahay
***********************
Hoygiii dalkoo idil
Laga wada hagaayee
Halyeeyada fankeeniyo
Hanadada ku faantee
Wiilkastoo halyeeyoo
Iyo lagu haabto boqorkaad
Haybteeda doontood
Hubaashii jeclaatee
Soo hiro hilaacoo
Halkan soo fadhiisoo
Muqdishana bal hooyoo
Hawadeeda qaadoo
Hurdadeeda aragoo
Cuntadeeda habo'oo
Hadalkana dhagaysoo
Hoobayda heesaha
Adna huri dhankaagoo
Xusuus aan hadhayniyo
Mahadhada bal joogtee
***************************
Fanaankii hilaacow
Waxaan hadal ku farayaa
Dalka haybadiisiyo
Hidihii dadkaagiyo
Dhaqankii halaabayiyo
Afkii haybadiisii
Waa hore halaabtee
In aad adigu hawshaa
Hogaankeeda qabatoo
Hagtaayood shaqaysoo
Haybteeda keentaad
Hilaacoow la sugayaa
*******************************
Fanaankii hilaacoow
Waxaan hadal ku leenahay
Haybtaadu waa qaran
Humaagaagu waa sharaf
Carabkaagu waa hodan
Dhawaqaadu waa hibo
Balaayda hareertaa
Baaskaana kaa huwan
Muqdishana hankeediyo
Dadweynaha ay haysaa
Ducadaada hurayoo
Habeen iyo dharaarba
Hadalkaaga sugayee
Ilaahay jid hoogliyo
Kuma tuso habaabe
Fanka heeladiiisana
Xajiyoo ha sii deyn.
Cabdikariin Garruun
Muqdisho, Soomaaliya
Ogoosto 1, 2015
__________________________________________________________________
Comments
Post a Comment