GADOOD GUUR 
" Wali kali baan ahay" 
Fariin ku socota gabdhaha


Cabdikariin Garruun 
Muqdisho, Soomaaliya 
Julaay 27 , 2015

Ma rabin aan maqaalkan qoro, waxase iga keenay gabay kooban oo aan facebuuga ku arkay oo aad hoos ka arki doontaan. 

Madashu waa Hoteelka Muga weyn ee Maansoor, Meeshu waa Magaalo magac dheer, waa Hargeya. Taariikhdu waa 24 bishii 7 aad sanadka 2015. Markii aan furay Laptob aan lahaa, si aan mareegaha hawada ugala socdo wixii maanta dhacay, markiiba waxa ka soo muuqday mucdii Facebook muuqaalo uu maankaygu minido xusuus u galay in uu xal u helo fariintan ay dhalinyartu sidaan ee afka ingiriisiga  ku qoran " We are still single" . Inkasta oo aanan jeclaysan in luqad kale wax lagu soo  gudbiyo , bulshadana loogu sheeko , hadana qofka wax bartay wuu fahmi karayay oo dhib kuma hayn. 

Fariintu waxay ku qorneyd waraaqcad, waxana labadiisa gacmood midkastaa ku hayay dhalinyar aad u qurux badan oo labiskana qaab ku  leh. Hadaba bal waa su'aale maxaa sababay in ay dhalinyartani sidan yeesho, fariintan soo gudbiyaan? Waa su'aasha aan rabo in aan iskku dayo jawaabteeda.

Mareegaha maqaalada, maqalka iyo muuqaba baahiyaa waxay markii hore ku macneeyeen mudaharaad dhalinyaro dhigtay oo ka gadoooday  guurkan sii adkaanaya iyo meherkan cirka isku si shareeraya sidii maciishada.  Balse xaajadu way ka duwaneyd mudaharaad iyo isku soo bax , waxase aan is badaleyn fariinta ay sidaan ama gudbinayaan oo markii hore ku talagal ahayd. 

Ujeedada ugu weyn ee ka dambeysay in ay intaas oo dhalinyaro ahi iskugu soo baxaan waxay ahayd sida tan. 24 bishan 7 aad  waxa meherkoodu galay mudane iyo marwo isku balansaday hoteel Maansoor. Markii dhalinyartii isku timid si ay usoo dhaweeyaan guurka cusub , madashana uga muuqdeen ayaa waraaqaha waxa qaybiyay wiil ka mid ah  oo hore u sii diyaarsaday, wuxuu ugu talagalay in  si looo kal ogaado inta guursaday ee xaasaska leh iyo inta wali kalida ah ee aan guri dhisin.

Dhalinyartii badi isku timid 95% waxay noqdeen iskaabulo " Kali" . Sidaas ayayna ku qaateen waraaqada ay ku qoran tahay " Still i am single" " Wali kali baan ahay". Waxa jira tiro aad yar oo iyaguna qaaday We are married " Waanu guursanay" . Inkasta oo arintu sidaa u dhacday hadana  Tani waxay cadayn u ahayd xaalada guurka ee wadanka ka jirta. Xaqiiqdii waxa hubaal ah in guurku uu aad u adag yahay markaad joogto magaalooyinka Somaliland, dhalinyartuna wakhtigan la joogo ay adag tahay in ay gooyaan sababo jira awgeed
  • Jacaylkii iyo is fahankii la isku guursan jiray oo ay lacagi badashay
  • Waalidiinta oo dhaqaale ahaan gabdhahooda ugu dhagan , isla markaan aaan u ogoleyn in ay gabadhu guursato kolba qofka ay rabooto.
  • Shaqo la'aan haysata dhalinyarta wax baratay ee u baahan in ay guursato 
  • Qolada diyaas baraha oo meherkii iyo guurkaba sixir barar ku sii riday.
Soomaalidu waxay tiraa  " Dhiri yahow maxaa kulka kaa keeney, Markaasuu isna yiraa kulayl " Ana waxaan odhan lahaa "Dhalinyartan waxa dhawaqan " fariintan" ka keenay dhibta ka haysata dhanka guurka".

Guurka oo ah shay aad loogu baahan yahay , taranta aadmiguna ay ku xidhan tahay, waxa haboon in la fududeeyo sida ka jirta  magaalooyinka Boorama iyo Wajaale oo horaantii sanadadii la soo dhaafay bilaabay hawshaa, hadiii kale waxa ka dhcii cidhib xumo , oo waxa badan macsi iyo masalooyin kale oo xun xun. Waxaan hadalkayga ku soo meerayaa 

Anigoo guurka adag aad uga fikiraa ayaan waxaan facebooga ku arkay maanso yar oo kooban oo wiil dhalinyaro ah soo qoray, maansada wuxuu kula hadlayaa gabdhaha oo wuxuu ku leeyahay gabadh yahay yaanu wiil lacag badan ku siineynin ha hanan. Wuxuu shidayaa dabkii kulalaa ee guurka ku shidnaa, gabdhaha intuu garaadka ka xado ayuu  heerin badayaa.  Intaan ka xanaaqay waanadaa wax biiskaa  ayaan ana mid yar oo kale marshay , waxaan kula dardaarmayaa  gabdhaha , waxaan ku leeyahay guurka fududeydka ah,  kaasi ayaa barako badan ayaan ku leeyahay. Guurka ha ku xidhina lacag ee diin  iyo dookh adeegsada ayaan leeyahay. Kala doorta laba nin ayaan ku leeyahay , Ninkii abaalkaaga guda ee adna ku dhaqi kara iyo kii rabo in uu kugu ciyaaro oo hadana kaa taga. 

Gabaygiisii oo aan ka soo saaray facebooga hawadu waa kan. Wuxuu leeyahay habloow i dhagaysta

Nimaan Kiish Lacaga Wadan
Gaba'a kumanyaal Ka Bixin
Tolkiyo Reerka Kaashna Siin
Meherka Kayd Kaaga Dhigin
Korkaagana Dahab Ka Lulin
Karaamana Kugu Galbinin
Nimaan Kuu Dhigin Alaab
Guriyo Kuu Dhisin Sar Wayn

Nimaan Kobtaa Biilka Dhigin
Waliba Dheeraad Ku Darin
Nimaan Ku Kafayn Karayn
Kiriimkiyo Cadarka iyo
Marriin kala kaana Gadin


Hadduu Ku Idhaahdo Guur
Macaan Kaalay Ila Dhamee
Ku Celi Guurkoo Ka Diid
Doob baan ahay kuma Baxshe
La imo kaash Baad ku odhan

Haddii Kale Qiimo Dhaca
Hadhaw kunbad goynasaan
Ninkiiba Shan bu Ku Dhici

Kolkaad Ka Dul Badiso Buuq
Midbuu Keensan aamus Jecel

Hadduu Kaa Bixiyo Maal
La Koobayn Cadadka Tiro
Inuu Aayar Uun Ku Furo
Carkee Kuma Dhaco midas
 
Ana tixdaydii  aan ugu jawaabay waa tan , waxaan ku iri 

Ninkii kiish lacaga watee
Doonaya in uu gato korkaa
Doolar iyo kiishka siin tolkaa
Mererkana kuugu dhigi kilaab
Korkaagana ku xidhi katiin
Koofeerna ku dhaqi jidhkaa

Ninkaasi kuma rabee
Yaanu gadan kaskaa

Ninkii kun shilin ku siin
Korkiisana kuugu shaqeyn
Kun xalaalana aad ka heli 
Adigana  gudi xilkaa
Jacaylkaagana kaa kafeyn
Kaftankana kula wadaagi kolkaa 

Ninkii Nafta kugu kabee,
kun jeer kalidaa ku jecel
Haduu kuugu yeedho guur
Gacaliso  kaalay ila wadaag
Kunjeer u mahadnaq oo ka yeel 
Kitaab iyo doolar kumaad
Haday labadaasi kulmaan
kaalin soo wada galaan
Misana doolar kumaad
Kumi iyo aamu kaw ka hayn
Ducaa kula gudboone
kitaabkaan rabaa ku koob
Ilaahay kuma kadeee
kumanaan kaluu ku siin
Guri janana wuu ku geyn
Caruur koolkoolidaad ka heli
Nolol aad ku kaafidood
kaftan iyo macaan lahoo
kalidaa kugu koobanaad
Kashkaa ku oontiryoo
Tolkaa wuu ku wada jeclaan
Xigaalkuna wuu kugu xushmeyn
Noloshana kor baad ka kori


Ninkaasaa kugu haboone
kabo oo la wadaag caashaqa'oo
Ruux kale ha eegin kiisa


Ninkii kaalmadaa ogee
Hadaad bugto kula socdee
Hadaad kufto kaa naxee
korkiisana kugu sidee
Naftiisana kuu huree
koolkoolin kugu samaa
kolkiis loo gudaa abaal 

Jacaylkaa lala kasbaa
Amaan baa lagu kabaa
Kasbaday oo kaboo
Kaalay ila wadaag naftoo
Dhaxanta iyo iga xaree kulkoo
kashka iyo igu qaboo kubkoo
kaftan iyo ila wadaag hurdoo
Nafteena wada kaafiyoo
ku soo jar kalaamka oo
kabo oo la wadaag caashaqoo
Ninkaasaa kugu haboone
Ruux kale ha eegin kiisa


Cabdikariin Garruun 
Muqdisho, Soomaaliya
27 Julaay 2015


Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names