HOTEL JAZIIRA
 " Shalay iyo Maanta" 


Shamicii iftiimee
Qolka wadda shidaayiyo
Waxa damay shaacii cadceedeed.
================================================================

Nolosha aduunyadu waa laba aan kala maarmin oo mid ba midka kale ku tiirsan. Hadii mid uun lagu deyn lahaa wax macno ah aduunyadu ma lahaateen, sidaa daraadeed ayaa xigmad ahaan lays kugu daray labadan dhacdo. Waa Habeen iyo Maalin, Cadaan iyo Madow, Farxad iyo Naxdin, Dhalasho iyo Dhimasho, If iyo Aakhiro, Lug iyo Gacan, Nin iyo Naag, Xumaan iyo Samaan iwn. Arartayda hadalkana waxaan ugu socdaa heedhe

"Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe"

Sawirkan hoos ka muuqdaa waa Hoteelkii magaalada Muqdisho ugu qiimo iyo qaayo sareeyay, ugu qaalisanaa dhanka lacagta. Waxa macquul ah in aad is waydiisay maxaa qaali ka dhigay? siduu qaali u noqday? muxuu kaga duwan yahay kuwa kale? , ayaa dega oo seexdo? iwn. Bal horta aan is kiin baro Hoteelka ee indhaha u fur ,qoraalkaygana ku fiiri.

Magaciisa waxa la yiraa HOTEEL JAZIIRA, Waa hoteel ku yaala Degmadda wadajir ee Gobolka Banaadir, Waa hoteel ka dhinac dhisan wadada dheer ee toos u aada Garoonka diyaaradada Caasimada " AADAN CADE INTERNATIONAL AIRPORT" ee loogu magac daray madaxweynihii u horeeyay ee dal , dad , iyo dawlad soomaaliiyeedba u taliya. IHUN.

Hoteelku wuxuu dhanka galbeed kaga dhisan yahay wadada , waxana hor mara saadka " Haadka" u socda garoonka. Waxa ka soo horjeeda oo soo eegaya dhismo weyn oo loogu shaqeeyo xarunta socdaalka iyo safarada " Migration" , dhanka galbeedka waxa la teedsan oo dhawr mitir u jira xafiiska UNDP, wuxuu xigaa dhanka NO. 4.

Waxba yaanan hadalka kugu daaaline
Waxaan kalaam ku soo duubay


Hoteelkan Waxa markii u horeysay qarax lagu weeraray 2011 markii Madaxweyne Xasan Sheekh doorashada ku guulaystay, si kalana laguma maagina intii aanu xilka la wareegan ayuu deganaa halkaa. Intaa wixi ka dambeeyay wuxuu noqday meel fari ku godan tahay. Sanadihii u dambeeyay markii 2013 la weeraray xarunta UNDP-da, hoteelka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan haayadaha waaweyni waxay miciin bideen in ay isku meegaaraan dayrarka iyo hareeraha dhismayaasha ay ku jiraan, qalcado shamiito ama sibidh lagu dhisay. Waase bar ku taal.

Waxba yaanay weedhuhu ila tagine,
Waxaan hadal ku soo meeray


Hoteelkan wuxuu ku jiray, ama ahaaba hoteelka ugu qaalisan magaalada , sababtii aad maankaaga weydiiisayna aan bal hada kaaga jawaabo. Wuxuu ku kasbaday dhawr arimood. kow: Hoteelku wuxuu ku yaalay meel aad ugu dhawr garoonka diyaaradaha , laba : Wuxuu ku jiray hoteelada ugu amniga badan , ilaahaybaa amni hayee, " hoteelkka waxa u xidhnaa dhawr mitir oo hortiisa ahna , lamana mari jirin haadka soo xiga dhankiisa ee marka la soo gaadho hortiisa , ka kale ayaa loo gali jiray.

Ta saddexaad ee aan is leeyahay wuu kaga duwanaa hoteelada kale waxay ahayd in uu lahaa adeeg aad u heersareeya sida , wuxuu lahaa wiish loo kala raaco qaybaha hoos iyo sare, shaqaaluhuna waxay baddi ahaayeen Kinyaati laga keenay kenya. Inkasta oo aanan anigu bogaadin hadana waa waxyaabaha uu ku mutaystay ajnabi badan , qiimihiisuna kor u dhaafay $250 halkii habeen.
Inta ogaalkay aan ku hayo maalka , Anigu waxaan hoteelka cagaha saaray tiraba laba jeer.
Mar siminaar aan ku tegay iyo mar kale oo aan qof kula kulmay. Waxa aan ku xasuustaa dhawr arimood , waxa ka mid ah

1. In aan markii ugu horeysay wiish ama qaade aan ka raaco gudihiisa anigoo u socda qolka 4aad.
2. Waxyaabo kale oo badanina way jiraan oo xasuus wacan ii ah.

Bilicdii hoteelkee lagu baanan jirayna
Burburbaa ka daba yimid
Ileyn waa duni basteedoo
baaruudu socoteee
ilaahbaan baryaayaa
In uu madal barwaaqoo
lagu wada baraaroo
beeshuna ka nagi tahay

Maalinteed Biley


Cabdikiin Garuun
Muqdisho, Soomaaliya
Julaay 2015

Jasiira hoteel ka hor buburka
Jasiira hotel ka dib burburka


















Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names