SOORYO GOBEED "Bun iyo canbuulo" " kurbin iyo qaando , koob iyo shaah waa koor iyo quud, kab iyo suun" Xuseen Sh. Axmed Kadare Sooryo Gobeed waa sooryo lagu sooro gobta"dadka inta fiican" , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka , Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad ilaahay ku hagoogay. Eeg sawirka sare, waa kurbin " Xeedho", qaando" Fandhaal iyo canbuulo " digir " ku jirta sixni. Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ee ku dhadhaw. Inta badan waxa soo raaca Daango" Salool " iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad ku dhex leh bulshada ...
Posts
Showing posts from 2015
FANAAN IF BAXAY
- Get link
- X
- Other Apps
FANAAN IF BAXAY ______ Habeenkii Fanka & Hibadii Hilaac ______ ******************** Cabdikariin Garruun Muqdisho, Soomaaliya Ogoosto 1, 2015 =========================== Dhamaan dhagaha shacabka caasimada soomaaliya waxa mar kaliya iibsaday idaacada gaarka loo leeyahay oo sodoneeyo ka baddan , kana hadlayay safarka dhaw ee Fanaanka da'da yar uu ku imanayo magaalada Muqdisho. Taariikhdu markay ku beegnayd 14 bishiii dhamaatay ee Julaay ayuu Fanaankii da'da yaree ee dadweynaha Muqdisho aad u wadda sugayeen ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade. Waxa loo soo dhaweeyay si aan erayo qoran lagu qiyaasi karin. Waxa ka qayb galay soo dhaweyntiisa dhamaan shacabka ku dhaqan caasimada ee fankiisa aad u taageera. Waxa si khaasa ugu soo dhaweeyay gudaha garoonka Fanaanada uu martida u ahaa ee Fartuun Cumar oo iyada kaga soo horeysay Caasimada iyo fanaaniin farabadan oo guda joo...
- Get link
- X
- Other Apps
HOTEL JAZIIRA " Shalay iyo Maanta" Shamicii iftiimee Qolka wadda shidaayiyo Waxa damay shaacii cadceedeed. ================================================================ Nolosha aduunyadu waa laba aan kala maarmin oo mid ba midka kale ku tiirsan. Hadii mid uun lagu deyn lahaa wax macno ah aduunyadu ma lahaateen, sidaa daraadeed ayaa xigmad ahaan lays kugu daray labadan dhacdo. Waa Habeen iyo Maalin, Cadaan iyo Madow, Farxad iyo Naxdin, Dhalasho iyo Dhimasho, If iyo Aakhiro, Lug iyo Gacan, Nin iyo Naag, Xumaan iyo Samaan iwn. Arartayda hadalkana waxaan ugu socdaa heedhe " Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe" Sawirkan hoos ka muuqdaa waa Hoteelkii magaalada Muqdisho ugu qiimo iyo qaayo sareeyay, ugu qaalisanaa dhanka lacagta. Waxa macquul ah in aad is waydiisay maxaa qaali ka dhigay? siduu qaali u noqday? muxuu kaga duwan yahay kuwa kale? , ayaa dega oo seexdo? iwn. Bal horta aan is kiin baro Hoteelka ee indhaha u ...
- Get link
- X
- Other Apps
GADOOD GUUR " Wali kali baan ahay" Fariin ku socota gabdhaha Cabdikariin Garruun Muqdisho, Soomaaliya Julaay 27 , 2015 Ma rabin aan maqaalkan qoro, waxase iga keenay gabay kooban oo aan facebuuga ku arkay oo aad hoos ka arki doontaan. Madashu waa Hoteelka Muga weyn ee Maansoor, Meeshu waa Magaalo magac dheer, waa Hargeya. Taariikhdu waa 24 bishii 7 aad sanadka 2015. Markii aan furay Laptob aan lahaa, si aan mareegaha hawada ugala socdo wixii maanta dhacay, markiiba waxa ka soo muuqday mucdii Facebook muuqaalo uu maankaygu minido xusuus u galay in uu xal u helo fariintan ay dhalinyartu sidaan ee afka ingiriisiga ku qoran " We are still single" . Inkasta oo aanan jeclaysan in luqad kale wax lagu soo gudbiyo , bulshadana loogu sheeko , hadana qofka wax bartay wuu fahmi karayay oo dhib kuma hayn. Fariintu waxay ku qorneyd waraaqcad, waxana labadiisa gacmood midkastaa ku hayay dhalinyar aad u qurux badan oo...