Posts

Showing posts from July, 2015

FANAAN IF BAXAY

Image
FANAAN IF BAXAY  ______  Habeenkii Fanka & Hibadii Hilaac   ______  ********************   Cabdikariin Garruun  Muqdisho, Soomaaliya  Ogoosto 1, 2015 =========================== Dhamaan dhagaha shacabka caasimada soomaaliya waxa mar kaliya  iibsaday idaacada gaarka loo leeyahay oo sodoneeyo ka baddan , kana hadlayay safarka dhaw ee Fanaanka da'da yar uu ku imanayo magaalada Muqdisho.  Taariikhdu markay ku beegnayd 14 bishiii dhamaatay ee Julaay ayuu Fanaankii da'da yaree ee dadweynaha Muqdisho aad u wadda sugayeen ka soo dagay garoonka diyaaradaha    ee Aadan Cade. Waxa loo soo dhaweeyay si aan   erayo qoran lagu qiyaasi karin. Waxa ka qayb galay soo dhaweyntiisa dhamaan shacabka ku dhaqan caasimada ee fankiisa aad u taageera. Waxa si khaasa ugu soo dhaweeyay gudaha garoonka Fanaanada uu martida u ahaa ee Fartuun Cumar oo iyada kaga soo horeysay Caasimada iyo fanaaniin farabadan oo guda joo...
Image
HOTEL JAZIIRA   " Shalay iyo Maanta"  Shamicii iftiimee Qolka wadda shidaayiyo Waxa damay shaacii cadceedeed. ================================================================ Nolosha aduunyadu waa laba aan kala maarmin oo mid ba midka kale ku tiirsan. Hadii mid uun lagu deyn lahaa wax macno ah aduunyadu ma lahaateen, sidaa daraadeed ayaa xigmad ahaan lays kugu daray labadan dhacdo. Waa Habeen iyo Maalin, Cadaan iyo Madow, Farxad iyo Naxdin, Dhalasho iyo Dhimasho, If iyo Aakhiro, Lug iyo Gacan, Nin iyo Naag, Xumaan iyo Samaan iwn. Arartayda hadalkana waxaan ugu socdaa heedhe " Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe" Sawirkan hoos ka muuqdaa waa Hoteelkii magaalada Muqdisho ugu qiimo iyo qaayo sareeyay, ugu qaalisanaa dhanka lacagta. Waxa macquul ah in aad is waydiisay maxaa qaali ka dhigay? siduu qaali u noqday? muxuu kaga duwan yahay kuwa kale? , ayaa dega oo seexdo? iwn. Bal horta aan is kiin baro Hoteelka ee indhaha u ...
Image
GADOOD GUUR   " Wali kali baan ahay"  Fariin ku socota gabdhaha Cabdikariin Garruun  Muqdisho, Soomaaliya  Julaay 27 , 2015 Ma rabin aan maqaalkan qoro, waxase iga keenay gabay kooban oo aan facebuuga ku arkay oo aad hoos ka arki doontaan.  Madashu waa Hoteelka Muga weyn ee Maansoor, Meeshu waa Magaalo magac dheer, waa Hargeya. Taariikhdu waa 24 bishii 7 aad sanadka 2015. Markii aan furay Laptob aan lahaa, si aan mareegaha hawada ugala socdo wixii maanta dhacay, markiiba waxa ka soo muuqday mucdii Facebook muuqaalo uu maankaygu minido xusuus u galay in uu xal u helo fariintan ay dhalinyartu sidaan ee afka ingiriisiga  ku qoran " We are still single" . Inkasta oo aanan jeclaysan in luqad kale wax lagu soo  gudbiyo , bulshadana loogu sheeko , hadana qofka wax bartay wuu fahmi karayay oo dhib kuma hayn.  Fariintu waxay ku qorneyd waraaqcad, waxana labadiisa gacmood midkastaa ku hayay dhalinyar aad u qurux badan oo...