SHAQSIGA SANADKA 2016



S H A Q S I G A    S A N A D K A   2017  
***************************************************
" Man of the year " 
*******************
"Gabiley"
**
Maxaa ka fiican marka lagu yiraa waxaad tahay geesi, maxaa ka fiican marka laguu qiro waxa aad qabatay, maxaa ka fiican marka lagu garab istaago  ee  geesinimo laguu muujiyo. Maxaa ka fiican marka aad hesho shacab u heelan u hiilintooda, maxaa ka fiican marka aad aragto bulsho kuu baahan oo baahiyahooda kaala shaqaynaysa sidii aan u badhax tiri laheyn.
Sanadkii aan sagootinay bishii 12aad bilowgeedii  ayay indhahaygu soo dhaweeyeen ogaysiin uu bogga facebuugiisa soo dhigay Aqoon yahay Ismaaciil Aadan oo ah shaqsi ku suntan ka shaqeynta arimaha bulshada gobolka Gabiley. Waa codsi uu u diray bulshada ree Gabiley, dardaarano uu daba dhigay iyo digniiino uu raaciyay. Hadalkiisii wuxuu u dhigay sidan

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
" U codee shaqsiga iyo ururka sanadka 2016 ee dhamaanaya ee gobolka Gabiley"
Wuxuu daba dhigay dardaarankan " ha ku dooran qabyaalad, degmo, xaafad iyo qof jeclaysi, ee ku dooro waxqabad uu ummada u qabtay. Wuxuu ka degay in ururada NGO's loo yaqaan oo inta badan mushahaarad iyo mashruucyo loo soo dhiibo ka shaqeeyay.
"Waa shaqsiyada wanaagsaan ee umada ka dhexmuuqata islamarkaana gaadhsiyey waxqabadkiisa ummada iiyo ururada danaha bulshada ka shaqeeya ee gobolka. Ugu dambeyn Ismaaciil Aadan wuxuu qoraalkiisu ku soo afjeexay tilmaantan odhanaysa" Waxaad leedahay laba cod, adoo soo qoraya magaca ururka iyo ka shaqssiga oo kali ah, waxa ka qaybaadan kara oo kali ah qofkasta oo reer Gabiley ah , cid ku dhalatay , ku nool, wax ku baratay, Waxana lagu dooran doonaa qofka iyo ururka ugu cod bata.

" Fadlan aan dhiiri galino dadkeena" ayuu qoraalkiisa hal ku dheg ugu dhigay.
===================================================================

Ismaaciil sida la wada ogyahay waa shaqsi sida dayaxa uga  ifaya oogada Gabiley. Waa shakhsi inta aan ogahay u heelan oo markasta ku hawlan haqabtirka iyo horumarinta bulshada Gabiley.
Wuxuu bilaabay u codeynta ama kala xulashada ay u kala codeynayaan  laba dhinac oo bulshada loogu shaqeeyo. Waa dhanka ururada oo arimaha bulshada lagaga shaqeeyo iyo dhan kale oo ah shaqsiyaad iskood isku xilqaamay sidii ay bulshadooda ugu haqag bixi lahaayeen baahiyada ay wax ka tari karaan. Waa xulasho la kala xulanayay shaqsiyaadka sanadkii tegay gobolka wax badan ka qabtay oo la taaban karo, iyo ururuda ka shaqeeyay arimaha bulshada ee iyana waxqabadakooda farta lagu fiiqi karo.

Ururada kasoo qayb galay waxay gaarayeen Ilaa 7-da urur ee ugu cad cad dhanka ka shaqeynta arimaha bulshada sanadkan. Waxanay kala ahaayeen sida uu inoo muujinayo jaantuska sawirku sidan:

1.      Samakaal
2.      TRC" Timacade Reader's Club"
3.      Gud Sports
4.      Wal Gabiley
5.      Alkheyriya
6.      Omaar Co.
7.      Wal Arabsiyo

Runtii ururkastaa waxbuu u qabtay shacabka, laakin waxa mudan in ay kala badan yihiin , midkastaa waxa uu qabtay. Tanina waa ta keenaysa in marka horeba 7dan urur laga soo dhex xulo ururada badan ee gobolka ka jira, saameynta ay ku leeyhiin dadweynaha awgeed, sidoo kale waa ta keenaysa aakhirka in shacabku sii kala xushaan oo ay ka doortaan midka ugu haboon ee ay ku qanceen wax tarkiisa.

Dhanka kale,shaqsiyaadkii loo soo xulay in loo codeeyo sanadka, waxa ka mid ahaa 7 shaqsi oo iyagana laga soo dhex xuley shacabka gobolka, iyadoo la fiirinayo saameynta ay ku leeyihiin bulshadooda. Waa kuwan magacyadii sida jaantuskuba muujinayo.
1.      Kayse X. Muuse
2.      Cabdikariin Garruun
3.      Tababare Awga
4.      Jaamac Omaar
5.      Gudd. M. Amiin
6.      Gudd. TRC
7.      A.M.Geedi

Dhamaan shaqsiyaadka kor ku xusan waxay sameeyeen arimo wax u taray bulshadooda, lakin waxay ku kla duwanaayeen habka ay u qabteen, dhanka ay ka qabteen iyo inta ay qabteen. Codeyntu waxay socotay mudo cayiman oo u dhaxaysay  30 cisho ah. Runtii Gabiley waxa usoo baxay dhalinyaro iskuud isku xilqaamay oo danta gobolkooda u soo jeestay, iyo sidoo kale ururo ay hogaamiyaan dhalinyaro isku tagay oo dareemay baahida ay bulshadoodu qabto.  Aakhirkii dhamaadkii bishii koowaad waxa shacabkii gobolku u xusheen laba dhinac oo ay arkeen in ay mudan yihiin in lagu maamuuso mahadhooyin ay sameeyeen.

Ugu dambeyntii maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 6 january ayuu Ismaaciil Aadan soo saaray natiijadii ugu dambaysay ee codadkii boga facebuuga lagu soo codeeyay. Qoraalkiisii wuxuu u dhignaa sidan hoose


-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
 " Jimce Mubaarik, dhamaan waxaan halkan uga maahadcelinaynaa dadki ka soo qaybqaatay codaynta dadkii wax soo qabtay, waxaanan u mahadnaqayaa dadkii isku dayey inay umadan meel gaadhsiiyaan, kuwii ku hamiyey iyo kuwii ku fikirayba, waxaan kaloon u mahadnaqayaa dadkii ku guulaystay inay wax qabtaan oo uu ugu horeeyo CABDIKARIIM GARUUN, muujiyeyna kartida ay u leeyihiin waxqabadka iyo urururadii yaguna ka soo qaybqaatay horumarinta bulshadeena ee uu bugu horeeyo SAMAKAAL. way jiraan dad badan oo wax qabtay balse bulshada ayaa dooratay labadaan magacaabay, mahadsanidiin. Ninakaan mahadnaqin isagana looma mahadnaqo waa inoo sanadkan dhamaadkiisa iyo mid ka badan intan kana balaadhan" 
 ===================================================================
Hadaba, anigoo ah Cabdakriin Garruun, shaqsiga loo xushay sanadkan in uu mudan yahay la amaano , la xuso, la xasuusto, la tilmaamo, lagu hirto, la dhiirigaliyo, la karaameeyo, laguna sharfo waxqabadka uu bulshadiisa u qabtay, waxaan halkan ugu mahadcelinayaa dhamaan shacabka ree Gabiley ee ii gartay in aan mudanahay Geesiga gobolka, ii gartay in aan bulshadayda gaarsiiyay meel ka fiican meeshii hore ee ay jogeen, ii gartay in aan baahi tiro bulsho ii oomaneyd. 

Aniga ahaan, waxaan ka shaqaysanayay sanadii u dambeeyay arimaha bulshada. Waxaan xooga saarayay ka shaqeynta iyo kor u qaadida Afka iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka. Sidoo kale waxaan ku hawlahaa  ka warheynta iyo caawinta macalimiinta tabaaleysan ee xaqa iyo xuquuqda nagu leh.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaan sameeynay Maktabada naadiga qoraalka iyo akhriska ee Timacadde. Anigoo fikirka iyo dadaalka ugu badan ee dhisida Maktabada lahaa,ilaa hadana ka warhayaa xaalka ay ku sugan tahay, dhalinyarbadan oo gobolka degana ay u noqotay gabbaad iyo gole aqooneed oo ay garaadkodoa iyo garashadooda ku hormariyaan.


Waxaan sameeyay midowga Ardayda Gabiley  oo aan ugu magac daray "Ciiltire". Waxaanan ku baheeyay dhalinyaro farabadan oo gobolka ka soo jeeda, kana mid ahaa ardayda dhamaantood dugsiga Sh. Muxumed Warsame iyo dugsiga sare ee Qalax ka soo wada baxay. Dhamaantoodna ay soo barbaariyeen, waxna soo bareen macalimiinta wax loo qabanayo. Dhaw jeer ayaan sidaan hubo, deeqo lacageed gaarsiinay macalimiin kala duwan.



labadaa arin ayaan is leeyahay wax baad ka bilowday oo hormood ayaad u noqotay, halyeyo badan oo soo bixi doona.

Waxaan marlabaad iyo mar saddexaadba aad ugu mahadcelinayaa Ugu horeyn ilaahay oo sababaay in aan bulshadeyda hormuud u noqdo, sidoo kalana sababtay in ay bulshadeydu ii garato in aan geesi u ahayn.
Marka xiga waxaan ku amaanaya Ismaaciil Aadan , sida uu waajibkii saarnaa uga soo baxay, Ilaahay kheyr ha kuu badalo ayaan leeyahay. Gabagabada waxaan salaamayaa dhamaan shacabka ku nool Gabiley ee aan ka dhashay, waxaan leeyahay guuleysta waligiin .

Cabdikariin Garruun
Kambala, Uganda.
20.03.2017


Comments

Popular posts from this blog

My Culture : Somali names