SOORYO GOBEED
"Bun iyo canbuulo"
" kurbin iyo qaando , koob iyo shaah
waa koor iyo quud, kab iyo suun"
Xuseen Sh. Axmed Kadare
Sooryo Gobeed waa sooryo lagu
sooro gobta"dadka inta fiican" , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili
gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka
, Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad
ilaahay ku hagoogay.

Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ee ku dhadhaw.
Inta badan waxa soo raaca Daango" Salool " iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad ku dhex leh bulshada , geed jooga " odayada dhaqanka ee talada reeraha gooya ", iyo madaxda bulshada nooc kasta ha noqotee.
Waxa hubaal ah in madal la
iskugu yimid oo sheekh iyo shariif ba leh hadaan laga dubin bun , canbuulana la
karin in madashaasi aanay lahayn macno
buuran iyo milgo sare.

Bunka la dubay waxa loo
isticmaalaa in lagu darsado canbuulada si loogu cuno. Udgoonta ka soo carfaysa
xeerada wax lagu cunayo ee bunaysan waad ku miraaqoonaysaa, waxana dhici karta
in aad ka kici waydo xeerada dusheeda oo aad canbuuulada wada dhamayso.
Sooryada noocan ah waxa la
sameeyaa marka uu jiro Sab" Duco gaaban" , Xaflad aroos, Shirarka iyo madal kasta oo inta badan la iskugu yimaado ,odayo
iyo waayeelna ka soo qayb galaan. Inta badan waxa la sameeyaa bunka hadii la
leeyahay fadhi ka duwan kii hore ee lagu noolaa. Sida maalmaha xafladaha waaweyn, bandhigyada dhaqanka, soo dhaweyn dhaqameedka odayo kale ama shacab kale oo deegaan kale ka yimid. Waa astaan dhaqan u ah bulsho
degan oo ab iyo isirba wadaag ah.
Cabdikariin Garruun
Muqdisho, Soomaaliya
Ogoosto 4,2015
Comments
Post a Comment